Jaamacadda SIMAD oo qabatay shirki labaad ee caafimaadka

Jaamcadda SIMAD ayaa hotel Jazeera ku qabatay shirki labaad ee caafimaadka, kaas oo ay sanadkasta qabato. Shirkaan ayaa lagusoo bandhigaa cilmi baarisyo kusaabsan qeybaha kala duwan ee caafimaadka.

Macalimiin culuumta caafimaadka kadhiga jaamacadaha dalka, dhaqatiir kahowl gala wadanka gudihiisa iyo dibaddiisa, khubara ka howl gasha hey’adaha caafimaadka ee dunida iyo sidoo kale ardayda caafimaadka kabarta wadanka ayaa kasoo qeyb galay shirka.

Shirka caafimaadka ayaa sanadkaan ahaa mid caalami ah waxaana kasoo qeyb galay laba professor oo udhashay dalka maleysia oo lagu kala magacaabo, Prof. Dato’ Dr. Razman Jarmin iyo Prof. Dato’ Dr. Zainul Rashid oo kahow gala isbitaalada iyo jaamacadaha kuyaal dalka Malaysia, waxaa sidoo kale shirka kasoo qeyb galay Dr. Tareq Abdighalil oo u dhashay dalka Masar kana howlgala isbitaalka masaarida ee magaalada Mogadishu.

Dhaqaatiir kale oo Soomaali ah ayaa sidoo kale shira kasoo qeyb galay kuwaas oo aad looga yaqaano magaalada muqdishu waxaana kamid ahaa.

1. Dr. Mohamed Mohamud Bidey
2. Prof Osman Mohamud Dufle
3. Dr. Mohamed Boodaaye
4. Dr. Abdilhadi Salim
5. Dr. Sheikh-don iyo kuwa kale.

Cinwaanada sanadkaan cilmi barista laga sameeyay waxaa kamid ahaa.
1. Sokorta,
2. Baabasiirka
3. Welwelka
4. Naasnuujinta
5. Dhalma la’aanta.
6. TB-da
7. Cagaarshow-ga
8. Shubanka

Waxaa sanadkaan shirka caafimaadka taaba geliyay, Bankiga caalimaga ah ee IBS iyo shirkadda dhisamaha ee Mogadishu Stars.

Jaamcadda SIMAD ayaa lagu yaqaan in ay qabato shirar cilmi baaris ah kuwaas oo kala duwan sida shirka ganacsiga iyo abuurka, shirka culuumta Engineering-ka iyo technology-yadda, shirka, dhaqaalaha, iyo maamulka, iyo kuwa kale.