Jaamacadda SIU oo Tababar u soo xirtay Macalimiin Dugsiga Sare ah

Kulliyadda waxabarashadda ee Jaamacadda SIU ayaa magaaladda Muqdisho ku soo gabagabaysay tababbar ay ka faa’iidaysteen tobanaan macalimiiin dugsiyadda sare ah oo wax ka dhiga Gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle.

Agaasimaha wasaaradda waxabarashadda, Hiddaha, iyo Tacliinta sare C/shakuur Sheekh Xasan, maamulka Jaamacadda SIU ayaa qayb ahaa xiritaanka tababarka.

Mowduucyo ay ka midyihiin, kor u qaadidda curiska ardayda, qaab cusub oo loo higgaadiyo afsoomaliga oo uu horumariyay Macalin Axmed Cabdikarim Xirsi, iyo qoraalka lammaanaha Soomaaliga ayaa lagu bartay tababarka.

Macalimiinta dugsiyadda gaarka loo leeyahay “ahliga ah” ee dalka ka bilowday burburkii kadib ayaa door fiican ka qaatay dib u hanaqaadka waxabarashadda dalka

“Marka uu sanad dugsiyeedku bilaabanayo, waxaa fiican in aan dib isku xusuusino sida wax loo dhigo, waxaan rajaynayaa in aad tababbarkan ka faa’iidaysteen, Haddii alle idmo sanad kasta waan i diin qaban doonaa”ayuu yiri Shaafici Diiriye Cabdi guddoomiye ku xiggeenka Jaamacadda SIU ee dhinaca waxbarashadda.

Dhinaca kale Agaasime Cabdishakuur ayaa macalimiinta ku dhiira galiyay doorka ay waxbarashadda ka qaateen , waxaana uu kula dardaarmay inay halkooda ka sii wadaan.