Munaasabad lagu abaalmariyay qaar ka mid ah macalimiinta iyo howlwadeenada Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) ayaa lagu qabtay hoolka weyn ee xarunta Cismaan Geeddi Raage (ORG Campus).

Munaasabaddan oo aheyd mid loo soo agaasimay si heer sare ah ayaa abaalmarino kala duwan lagu gudoonsiiyay qaar ka mid ah Howlwadeenada kulliyadaha Jaamacadda iyo macalimiinta.

Kaaliyaha Guddoomiye kuxigeenka Waxbarashada Mr. Axmed Yuusuf Cumar (Food Cadde) ayaa sheegay in ay qiimeyn ku sameeyeen sanad waxbarasheedkii tagay ee 2016-2017, sidaas darteedna ay ku muteysteen in la abaal mariyo shaqsiyaadkan.

Ugu dambeyntii waxaa munaasabada soo xiray Gudomiyaha Jaamacadda Soomaaliya Dr.Ismaaciil Cali Siyaad ayaa u hambalyeeyay macalimiinta iyo howl wadeenada la abaal mariyay isla markaana kula dardaarmay in ay dadaalkooda sii wadaan halka inta aan nasiibka u yeelan in la abaalmariyo sanadkan uu ku dhiira geliyay in ay dadaalkooda laba-laabaan, si loo abaal mariyo sanadaha soo socda.