Orodyahanka reer Britain balse asalkiisu yahay Soomaaliga ayaa ku guuleystey markii ugu horeysay abaalmarinta shaqsiga ugu wanaagsan ee ay bixiso BBC  Sports sanadkan 2017.

Farah ayaa sanadkii saddexaad ee isku xiga ku guuleystey tartanka orodka dheer ee 10,000m adduunka, waxana uu rumeysan yahay markii uu maqlay inuu ku guuleystey abaalmarintan.

Orodyahanka Mo Farah ayaan ka qeybgalin xafladii la  doonayay in lagu guddoonsiiyo abaalmarinta taasoo la qorsheeyay inuu guddoonsiiyo rug caadaaga kooxda Liverpool ee Kenny Dalglish.

Jonathan Rea oo ku tartama baaskiilka ayaa kaalinta 2aad galay halka kaalinta saddexaadna Jonnie Peacock.

Cilad farsamo awgeed ayaysan ku suurtoobin in Sir Mo qudbad toos ah ka jeediyo xaflada abaalmarinta isagoo ku sugnaa gurigiisa balse waxaa uu ka hadlay BBC Radio 5.

Mo Farah oo ka hadlay dareenkiisa iyadoo indhihiisa ay ilmo isku soo taageen;
“Ma fileyn inaan ku guuleysanayo abaalmarinta, waayo waxaa jira ciyaaryahano badan oo guulo waaweyn soo hooyay UK.”

Mo Farah ayaa sheegay inuu aad ugu xunyahay inusan ka qeybgalin munaasabada isagoo ku sababeeyay inuu ka baaqdo xanuun hayo mid ka mid ah carruurtiisa.