Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay kormeero kedis ah ku tagay xarumaha ciidanka Booliska

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Taliyaha Ciidanka Booliska S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, ayaa xalay saqdii dhexecaawa ah waxay kormeer ku tageen qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo u kuur galayay sida ay u shaqeeyaan Xilliga Habeenkii ah Ciidanka Booliska, ayaa kormeeray Xarunta Dambi baarista ee C.I.D, Dugsiga tababarka ee Gen. Kaahiye, Taliska Ciidanka ilaalada Nabadgelyada Waddooyinka, Xarunta Gaadiidka Ciidanka Booliska iyo meelo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed ayaa  Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiirka Amniga Qaranka waxaa uu warbixin ka siiyey Xaaladda Amni ee magaaladda Muqdisho, isaggoo u sharaxay sida ay u shaqeeyaan Habeenkii Xarumaha ciidamada booliska.

Ra’iisul Wasaare Kheyre, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska uu ku ammaanayo sida wacan ee shaqada amniga ay u hayaan, waxaana uu kula dardaarmay inay laba jabaaraan howlaha qaran.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah kuwo habeenadii la soo dhaafay ku kala bixinayay xaafadaha Muqdisho, saldhigyada iyo xarumaha ciidamada, waxaana ay ku soo aadeysaa, iyadoo shantii maalmood ee u dambeeyay waddooyinka Muqdisho ahaayeen kuwo xiran, isla markaana shacabka ay dhibaatooyin kala duwan ku qabeen xirnaanshaha waddooyinka, taasoo saameyn ku yeelatay dukaameysigii u diyaar garowga Ciidul Fidriga oo fooda nagu soo heyso.