Waa habeen ka mid ah habeenada ay Yaasmiin la kulanto Mursal sida caadada ahna waa ay kaga sii hormari jirtay deerka banaanka gurigooda ku yaal iyadoo in cabaar ah fadhisa ayaa uu yimid oo uu ku yiri.

 

Mursal:

Waan ogahay caawa waan kaa soo daahay iga raali noqo Abaayo

 

Yaasmiin:

Raali gelinta in salaanta aad ka soo hormarisid ayay aheyd mise!

 

Mursal inta uu qoslay ayaa uu yiri

 

Mursal:

Waxaan is iri armaa laguu xanaaqsan yahay oo salaanta laguugu seyraa sidaas ayaan raali gelinta u soo hormariyey.

 

 

Yaasmiin:

Maxaad sidaa u leedahay ma anaa awoodaba in aan ku maxkamadeeyo

 

Mursal:

Maxaa jira sow lqof aga soo daahay ma tihid yaa kuu diiday in aad I xisaaabiso waa qasab taa

 

 

Yaasmiin:

Mursalow aniga wax badan ayuu qalbigeyga I weydiiyaa hadana su’aalahaas badan jawaab uma helo

 

Mursal:

Haye ma ku saacidaa bal ii sheeg maxay yihiin

 

 

Yaasmiin:

Horta Mursalow wax jaceyl ah ma ii qaaday ileyn shalay aniga jaceylka kugu casuumay oo ku calmaday ee horta ugu yaraan ma iga heshay.

 

Mursal:

Haye hadalkaaga meesha ugu dambeysay ayaan ka qabanayaa waxaad I tiri ugu yaraan ma iga heshay haa waan kaa helay waliba dabeecadaada degan ayaan ka helay waxaana aaminsan nahay in adiga iyo aniga meelo badan iska leenahay micnaha dabeeacada.

LIBIN JACEYL WQ: XAALI X MAXAMED (XAALKOOS) xaalkoos@hotmail.com Waxeeyna gaar u tahay Jowhar.com / Jowharcom@gmail.com la soco Jimco walba.
LIBIN JACEYL WQ: XAALI X MAXAMED (XAALKOOS) xaalkoos@hotmail.com Waxeeyna gaar u tahay Jowhar.com / Jowharcom@gmail.com la soco Jimco walba.

 

Yaasmiin:

Haye haddii sidaa ay tahay jaceyl ma ii qabtaa sida aan kugu qabo

 

Mursal:

Ma ogtahay in jaceylka uu ku abuurno ka Helid iyo kalsooni labada qofood dhexmarto intaas waa inoo dhaceysaa maxaa kale.

 

Yaasmiin:

Laakiin weli jawaabtii rasmiga ima siinin

 

Mursal:

Malaha gobolada aan ka kala nimid ayaa kala badalan afsoomaaligana waan isku fahmi la nahay haye.

 

Yaasmiin:

Xiriirkaan hortiis xiriir ma ku soo maray oo gabar ma jeclaaday

 

Mursal:

Xiriirkaan hortiis xiriir ima soo marin laakiin gabar aan jeclaaday waa jirtaa

 

Yaasmiin:

Waxaan u fahmay qof ayaad jeclaaday balse xiriiri idinna dhex marin

 

Mursal:

Haa waa sida aad u fahamtay

 

Yaasmiin:

Maxaa jaceylkaaga ugu sheegi weyday

 

Mursal:

Inta aan u sheeganin ka hor ayaan ogaaday in ay qof kale jeceshahay marka waan iska daayey.

 

Yaasmiin:

Sidee! sidee ku deysay mar hadaan la qabin waan u sheegan kartay

 

Mursal:

Jaceylka dhabta ah ayaa ah in qofta aad jeceshahay aad farxadeeda ku ilaaliso xataa haddii ay farxadaas tahay mid adiga qaraar kuu ah waana mida aan ugu deeyey nafteeda meesha ay la heyso.

 

Yaasmiin:

Gabadhaas ma aqaan aniga

 

Mursal:

Maya

 

Yaasmiin:

Ma wada shaqeysaan

 

Mursal:

Maya

 

Yaasmiin:

Halkee joogtaa

Mursal:

Meel fog

 

Yaasmiin:

Gobolkii aad ka timid ayaan u qaatay sow sidaa maaha.

 

Mursal:

Haa

 

Yaasmiin:

Weli ma jeceshay

 

Mursal:

Waa su’aal aad u qaldan abaayo aniga caawa adiga ayaan ku horfadhiyaa waxaanu nahay dad xiriir uu ka dhaxeeyo ma aha in aad arrintaas aad I weydiiso.

 

Yaasmiin:

Laakiin ma ogtahay in aad weli I dhihin waa ku jeclahay.

 

Mursal:

Hadaba kuma rabo miyaan ku dhahay maxay tahay sababta aad caawa wax badan ii qodqodeysid mise iguma kalsoonid.

 

Yaasmiin:

Maya aboowe sidaa maaha balse waxaan rabaa in aad noloshaada aan wax badan ka go’aado.

 

MUrsal:

Haddii ay sidaa tahay caawa mid iga ogow nolosheyda adiga ayaan kuu hibeeyey wax kasta oo nolosha igu soo gaaray waxaan aaminsan nahay in aad adiga I ilowsiin kartid horan kugu dhahay wax badan oo xaga dabeecada ah ayaan iska leenahay waana waxa aan kugu soo dhawaanayo ma fahamtay waxba ha iga shakin.

 

Yaasmiin:

Maya walaahi marnaba kaama shakin ee af dheeri lee iga ahaayeen

 

Mursal:

Xaq ayaad u leeahay in aad wax badan aad ka barato cida aad noosha la wadaageyso laakiin mid iga hoo Mursal adiga oo kaliya ayaa leh.  

 

Yaasmiin farxad dardeed ayaa ay inta ay gacantiisa soo qabatay ayay dhunkatay oo ay ku tiri.

 

Yaasmiin:

Iga raali ahaaw macaane ma dooneynin in aan ku dhaawaco

 

Mursal:

Igu kalsoonaaw haye

 

Yaasmiin madaxa ayay u ruxday iyada o dareensiineyso in ay ku kalsoon tahay habeenkaas Yaasmiin marnaba kama qoomameyneynin hadaladii ay caawa ku nudnudeysay Mursal maxaa yeelay ugu dambeyn kalsooni weyn ayaa gashay mar haddii uu u sheegay in iyada oo kaliya ay leedahay habeen farxadeed ayay u ahayed in cabaar ah kadib ayaa la kala tagay oo qof waliba guriga dib ugu laabatay iyadoo hurdo wanaagsan la isku rajeeyey.

 

Mursal habeenkaas si toos ah uma abaarin Guriga waxa uuna in cabaar ah iska fadhiyey maqaayada laamiga ku taal isaga oo wax badan naftiisa ka weydiineysay sida uu nolosha ula wadagi karo qof uusan jecleyn balse waxa uu isku qanciyey inuu maalin uun uu jeclaan doono.

LIBIN JACEYL WQ:  XAALI X MAXAMED (XAALKOOS) xaalkoos@hotmail.com
Waxeeyna gaar u tahay Jowhar.com / Jowharcom@gmail.com la soco Jimco walba.