Aabe Warsame oo aad u xanaaqsan ayaa soo galay Hooyo Maryan oo weyso qaadaneyso ayuu ku yiri.

 

Aabe Warsame:

Aaway Qadar miyuu yimid

 

Hooyo Maryan:

Isaga oo baxay ayaan ogaa maxaa jira Xaaji

 

Aabe Warsame:

Waa wiil waalan kaalay miyuusan nin weyn noqoneynin oo uusan xishooneynin

 

Hooyo Maryan:

Xaaji waad I cabsi gelineysaa muxuu sameeyey

 

Aabe Warsame:

Muxuu sameeyey war wiil yar oo muskiin ah ayaa uu garaacay kaalay miyuusan ka fikireynin sumacada uu rerkaan ku leeyahay bulshada dhexdeeda maxay tahay sida uu u dhaqmayo.

 

Qadar oo warka aabahiis maqlaayey ayaa soo baxay oo yiri

 

Qadar:

Maxaa tiri wiil miskiin ah in aan nafta gooyo ayaa ay aheyd

 

Aabe Warsame:

Maqal maqal Xaajiya gar ayuu isla leeyahay nacas ayaad tahay dagaalka waa ceeb nin weyn xaalkiisa maaha.

Qadar:

Aabe kuwa aan aqlaaqda laheyn marka ay afka kula soo galaan waa nin cashar loo dhigaa

 

Aabe Warsame:

I maqal ma ogtahay oo mana is ogtahay in wiilka aad si xun u waxyeeleysay haddii uu kugu dhinto ma ku fikirtay I maqal Qadar aniga wadnaheyga ayaa tahay ninkii aan reerkaan wakiil ka noqon lahaa ayaa tahay oo aniga I badali lahaa isku day in aad hab dhaqankaaga wax ka badasho mana doonayo in wixii caawa dhacay in ay mar kale dhacaan waa in aad xanaaqaaga xakameyso.

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 21aad
Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 21aad

 

Qadar:

Laakiin Aabe!

 

Hooyo Maryan:

Aamus waryaa oo maqal hadalka aabaha dagaalka waa ceeb waana wax laga xishooda kaalay dadka marka aad garaaceysid ma awood ayaa u sheeganeysaa xishoo Qadar maxay tahay hab dhaqankaan cusub ee aad la timid.

 

Aabe Warsame:

I maqal haddaba ma doonayo in wixii caawa dhacay ay mar kale dhacaan

 

Qadar isaga oo madaxiisa hoos jira ayaa uu ku yiri

 

Qadar:

Haye aabe waa balan in aysan mar kale dhaceynin

 

Falis iyo Yaasmiin oo goobta taagnaa hadalka oo dhan la socday ayaa markii meesha lagu kale tagay oo cid kasta qolkeeda tageen ayaa ay Falis walaasheed ku tiri.

 

Falis:

Qalbigayga ayaa I leh cid aan Yaasiin aheyn ma aysan dagaalamin

 

Yaasmiin:

Haye ma haatuf ayaa kuu soo aqbaaray

 

Falis:

Maya Yaaska waa hubaa qof aan Yaasiin aheyn ma aha

 

Falis markiiba telefoonkii Yaasiin ayaa ay garaacday misna waa uu dansan yahay cid kale oo ay ka ogaan kartana ma jirin balse waa ay hubtay in caawa uu xaafada soo galayey.

 

Saalax kaalintii loo dhiibay ayaa uu ka soo baxay oo dhamaan qarashkii farmashiyaha inta uu bixiyey ayaa uu Yaasiin iyo daawadiisa inta uu kaxeeyey ayaa uu xaafadiisa ku soo simay dibna u soo wacay Aabe Warsame oo ugu sheegay in ay wax walba hagaajiyey.

 

Aabe Warsame kama warhaayo wiilka ay wiilkiisa is laayeen inuu yahay Yaasiinkii gabaradhiisa Falis lagu sheegay in uu xiriir kala dhaxeeyo Qadarna uma sheegin isagana ma fahamsana xaaladaasna waxaad moodaa in maskaxdiisa ay waa hore ka baxday.

 

 

Yaasiin xaafadiisa ayaa la geeyey inuu dagaal soo galay oo kaliya ayaa uu reerkiisa u sheegay balse waxa uu sheekada oo dhan kaga dhacay saaxiibkiis Nuuradiin oo laf ahaantiisa kaga digay inuusan xaafadaas ku laaban waliba isaga oo keli ah.

 

Falis oo weli ku jirta welwelka ay ka qabto cida uu Qadar la dagaalay inuu yahay Yaasiin waxaase murugta u sii kordhiyey telkiisa oo weli densan maxaa yeelay goobtii uu dagaalka ku galay ayaa uu kaga yimid balse waxaa gacanta ku haayey Saalax oo markii uu ka soo laabtay Yaasiin loo dhiibay isuna sheegay inuu beri uu u geeyo.

 

Qadar oo weli ka xishoonayo aabahiis ayaa subaxii ku dhici waayey inuu ag fadhiisto oo uu la quraacdo waxa uuna hooyadiis u sheegay in uu Dekada ku socda uusan waqti u heli Karin inuu quraac u sii fadhiisto Qadar markiiba waxa uu soo maray saaxiibkiis Saalax oo uu damacsanaa inuu ka wareysto sida ay wax u gaareen Yaasiin banaanka guriga ayuu kula kulmay waxa uu ku yiri.

 

Qadar:

Haye waxaan is lahaa wuu jiifaa waxaan filayaa in aad meel ku socoto

 

Saalax:

Haa ninkii Yaasiin ahaa telefoonkiisa halkaan kaga dhacay oo aan rabaa in aan u geeyo

 

Qadar:

Oo maxaa kaa galay maad hore u sii tuurtid

 

Saalax:

Taasi waad og tahay in aysan iga suuroobin waana in aan u geeyaa waana gardarneyd xalay maxaadse ku maagtay wiilka.

 

Qadar:

Aragiisa ayaaba I dhiba balse maxaad ka rabtaa isaga ayaanba imaan doonin xaafada mar kale.

 

Saalax:

Haye waan sii baxayaa

 

Qadar:

Kaalay ii dhiib telka

 

Saalax:

Maxaad ka rabtaa ma in aad burburisaa rabtaa

 

Qadar:

War mayee ii dhiib

 

Saalax:

Oo maxaad ka eegeysaa number sired ayaa ugu xeran

 

Qadar:

Haye lafta ka soo saar

 

Saalax:

Maxaad u socotaa aniga kuma fahmin iska daa telkaan.

 

Qadar:

Fiiri Sim Card ka soo saar

 

Qadar inta uu telefoonk ka dafay ayaa uu kala furay markiiba ka soo saaray Kaarka kadib uu telefoonkiisa geliyey adeega shirkada Hormuud ee numberka telefoonka lagu ogaado ayaa uu siticmaalay markiiba waxa uu helay numberkiisa waxa uuna ku xafiday telefoonkiisa Saalax isaga oo yaaban ayaa loo dhiibay oo lagu yiri.

 

Qadar:

Haye maxaad la yaaban tahay ma anigaa wax kaa qaatay waa kaa telefoonka iyo kaarkiisa ee nabadey.

 

Saalax:

Hadaan ku gartay waxaad dooneysaa in aad garaacdo telefoonkiisa oo aad ku dhibco badsato waan kaa yaaban nahay ee iska ilaaw dagaalka waad ogtahay aabaha inuu neceb yahay.

 

Qadar:

Nabadey igu salaam nacaska.

LIBIN JACEYL WQ:  XAALI X MAXAMED (XAALKOOS) xaalkoos@hotmail.com
Waxeeyna gaar u tahay Jowhar.com / Jowharcom@gmail.com la soco Jimco walba.