Saalax wiil daacad ah ayaa uu ahaa waxa uu abaaray xaafadii uu xalay geeyey Yaasiin markii uu garaacay ayaa waxaa ka furtay islaan oo uu ku yiri waxaan doonayaa Yaasiin waxaana loo sheegay inuu weli jiifo inuu yahay wiilkii xalay keenay ayuu u sheegay islaantii iyadana waxa ay ku tiri waxaan ahay hooyadiis markiiba telefoonkii ayaa uu dhiibay oo uu ku yri goobtii uu dagaalka ka dhacay ayaa uu kaga yimid ee hala siiyo sidii ayaa uuna xaafadiisa ugu soo laabtay

 

Yaasiin markii uu soo toosay ayaa hooyadiis siisay telefoonkiisa oo uu la yaabay markii uu arkay balse loo sheegay in wiilkii xalay keenay uu ka soo helay goobtii uu dagaalka ku galay sidaas looga keenay aad ayaa uu ugu farxay

 

Yaasiin weli cida la dagaashay inuu yahay wiiil uu walaashiis la socda cid ka tirsan reerkiisa uma sheegin xataa kama warhaayeen xaafada uu dagaalka ku galay in ay tahay meel ka baxsan xaafadooda

 

Markiiba telkiisa ayuu daaray oo durbadiiba uu wacay Falis oo iyadana sekano ka hor inta ay soo wacday ogaaday in weli uu dansan yahay ayaa inta ay sariirta telka ku tuurtay ka baxday qolka in cabaar ah ayaa uu telkeedii dhacaayey balse mar dambe oo ay ku soo laabatay qolkeeda ayaa ay telefoonka soo qabatay misana waxay aragtay ilaa 6 jeer  oo uu soo wacay Yaasiin Falis aad ayaa ay u faraxday oo markiiba garaacday numberkiisa waana uu ka qabtay Falis oo aheyd qof degdegesay ayaa ku soo booday

 

Falis:

Macaane ii waran ka waran xaalkaaga maxaa helay telkaaga ma ogtahay in aad u cabsaday

 

Yaasiin:

Macaanto is deji waa kuu fiican nahay ma ogtahay kii dabaalka ahaa ee kula dhaashay uu xalay ila dagaalay

 

 

Falis:

Waa qiyaasaayey side ayay taa ku dhacday

 

Yaasiin:

Walaahi macaanto bilaa hadal ayaa uu iska key soo hajuumay oo inta uu inta gadaal iga yimid ayaa uu laad igu qaaday

 

 

Falis:

Alla walaalkay doqonsanaa muxuu sidaa u yeelay macaane side wax kuu soo gaareen

 

Yaasiin:

Dhib weyn ayaa I gaaray macaanto laakiin waxba ha ka welwelin waan ka baxayaa

 

Falis:

Dhib weyn Aaa!

 

Yaasiin:

Daqar ayaa uu madaxa ila helay oo dhowr qodob ayaa la ii tolay

 

Falis:

Macaane iska ilaali walaahi markaan wejigiisa arkay ayaan dareemay in adiga mooyee uusan cid kale la dagaalin

 

Yaasiin:

Dhalinyarada xaafada ayaa uu garab ka helay mooyee dhibkaan ima gaareen

 

Falis:

Maxaa jira miyey isugu kaa tageen

 

Yaasiin:

Badalkii nala wada qaban lahaa ayay aniga oo kaliya I qabteen sidaas fursad igu helay inuu dhaawaca I gaarsiiyo

 

Falis:

Ilaahay ha kaa najeeyo macaane ee is ogow waad ogtahay aniga kuuma imaan karo

 

Yaasiin:

Waan ogahay macaanto ee adiga is ogow kaa waa doqon yuusan ku dilinee

 

Falis:

Haye macaane caafimaad telka ayaan iskala socon doonaa

 

Falis markii ay telefoonka demisay ayay aad u nacaladay walaalkeed oo ay ku mucaaraday gacan qaadkii uu u geystay Yaasiin waxaase iyada oo weli qolka ku jirta u soo gashay Yaasmiin oo markii ay wejigeeda fiirisay dareentay in dhiilo ay ku jirto ayaa ku titi

 

Yaasmiin:

Haye xabiibti maxaa ku haaya waadigaan wejigaaga aan la jecleysanaynin

 

Falis:

Yaaska sow kuuma sheegin doqonkii walaalkay ahaa waxa uu la dagaalay Yaasiin waliba dhib weyn ayaa gaaray oo madaxa ayuu daqar ka gaarsiiyey kaalay isaga muxuu is moodaa mise lacagta uu aabahiiis leeyahay ayuu doonayaa inuu cid kasta uu ku adoonsado

 

Yaasmiin:

Is deji abaayo waxna caayda ha ugu tarax tagin Qadar hana ilaawin inuu walaalkaa yahay

 

Falis:

Yaasmiinee ma Qadar ayaa difaaceysaa waliba aniga oo kuu sheegaayo inuu dhib weyn gaarsiiyey Yaasiin

 

Yaasmiin:

Laakiin abaayo dagaalka sida uu ku bilaawdo midkeena ma ogni si kasta waxaan ku xasuusinayaa in Qadar uu walaalkaa yahay

 

Falis:

Yaaska ma adiga ayaa sidaan I dhahayo isma laheyn Yaasmiin ayaa jaceylkaaga ka soo horjeedsaneyso

 

Yaasmiin:

Falis abaayo I faham aniga kama soo horjeedo xulaashadaada ma mucaaradayo laakiin dagaalkii dhacay yaanan cid gaar ah loo aaneynin Qadar iyo Yaasiin waa dhalinyaro waana la is qoofi karaa laakiin anaga kama warheyno cida qaldaneyd

 

Falis oo aad ugu xanaaqday Yaasmiin ayaa inta ay sariirteeda tagtay gadaalna u jeesatay Yaasmiina markii ay aragtay in ay ka xanaaqday waxa ay is tusisay in aysan hadda ku habooneyn in ay la hadasho oo mar kale u dhigato raali gelinta loogu baahan yahay

 

Yaasmiin maalintaas iyada ayaa xilka isa saartay xataa shaqooyinka ay laheyd Falis iyadaa qabatay oo markii ay qadada soo diyaarisay ayay u soo gashay oo inta ay sariirta la kortay isku duubtay ku tiri

 

Yaasmiin:

Waan ku ogahay Macaanto in aad ii xanaaqday balse horta aan qadeyno kadib ayaan hadli doonaa

 

Falis:

Ma doonayo in aan qadeeyo

 

Yaasmiin:

Haddii ay sidaa tahay aniga qadada ma doonayo balse mid ogow in aan ka xumahay in aad ii xanaaqdo si kasta aan ku raali gelinayo

 

Falis markii ay maqashay hadalada jilicsan ay Yaasmiin kula hadleyso ayaa inta ay soo jeesatay isku duubtay oo ku tiri

 

Falis:

Ma ogtahay Yaaska cida kaliya ee aan isku haleeyo inaad tahay xataa hooyadey iyo reerka oo dhan waan kaaga kalsoon nahay waa ku baryayaaa ha I niyad jebin mar kale

 

Falis markii ay intaa tiri ayay ilin soo dhaaftay Yaasmiin oo ka xumaatay in sidaan oo dhan isu qalbi xumeyso ayaa ku tiri

 

Yaasmiin:

Falisey mar walba qalbigaaga dhageyso mana dhaceyso in aan aniga ku niyad jebiyo sida aad igu kalsoon tahay ayaan kugu kalsoon nahay ma ogtahay in aan isu heysto in aan la’aantaada aan xataa nolosha dhinac u wadi Karin waa ku baryaa ha ooyin abaayo

 

Falis:

Yaaska Macaanto garabkaan ku ooyo ayaa tahay

 

Yaasmiin:

Waan ogahay taa Abaayo iga raali noqo waan ku xaumahay in aniga dartey aad isu calool xumeyso mar walba garabkaaga ayaan ahay

 

Qofba qofta kale ayay illinta ka masaxeysay markii dambena si wadajir ayay ku wada qadeeyeen oo howshii hartayna la isla qabtay farxadna habeenkaa qolkooda kuwada sheekeynayey.

LIBIN JACEYL WQ:  XAALI X MAXAMED (XAALKOOS) xaalkoos@hotmail.com
Waxeeyna gaar u tahay Jowhar.com / Jowharcom@gmail.com la soco Jimco walba.