Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 50aad

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com

Qadar waa ay ka goneyd in Samira uu ku booqdo xaafadeeda si uu dumaashidiisa u qanciyo.

 

Samiira in caawa loo soo socda waxba kalama socon Canab balantii waa ay ka soo baxday oo waxba uma sheegin saaxiibteed.

 

Samiira Sida caadada u ah marka ay salaada maqrib tukado waxa ay wax ku aqristaa qolka xafiiska u ah aabaheed oo ah meel ku haboon in ay wax ku aqrisato ileyn Yusra oo su’aal badan ayaa saaloonka fadhisoo oo aan wax laga aqrisam Karin iyada oo markaa gashay oo aan weli bug kala furin ayaa telefoonkeeda soo dhacay markii ay soo qabatay ayay durbadiiba dhoolacadeysay oo qabatay.

 

Samiira:

Hello

 

Qadar:

Ma fiican tahay Samiira

 

Samiira:

Alxamdullaahi

 

Qadar:

Nin ceebeysan ayaa kula hadlayo

 

Samiira:

Dhib malaha Aboowe xaaladada ka waran

 

Qadar:

Haye albaabka ma iga fureysid ileyn illinka gurigeena ayaan taagan nahay

 

Samiira:

Ma igu cayaareysaa ileyn gurigeena ma taqaanidee

 

Qadar:

Adiga irida soo fur waad I arkeysaa

 

Samiira:

Qadarow armaa ceelasha ka dhacday ileyn kulankeena ceelasha ayaa uu ka dhacayee

 

Qadar:

Albaabka soo fur adiga

 

Samiira inta ay carartay ayay albaabka furtay waxayna indhaheeda qabteen Qadar oo baabuurkiisa ag taagan halkii ayay ugu tagtay ayay tiri.

 

Samiira:

Walaahi waad I cabsi gelisay waxaan mooday in aad Ceelasha igala hadleyso

 

Qadar:

Xaafadaan dhowr habeen ayaan Suleymaan ka soo doonay intta uu saaxiibtaa shukaansan jiray

 

Samiira:

Maasha Allah hore u soo soco baabuurkana soo xerxero

 

Qadar:

Maya looma baahna halkaan ayaan ka arki karaa

 

Samiira:

Maxaa jira in sidaan ku sheekeysano miyaad rabtaa gudaha ma soo geleysid

 

Qadar:

Daarada ayaan fadhiisaneynaa

 

Samiira:

Gudaha ayaan hore u galaynaa halkaan munaasab maaha

 

Qadar:

Laakiin hooyo iyo Aabe sow ma joogaan

 

Samiira:

Haa waliba waan ku barayaa dhib miyaa u aragtaa

 

Qadar:

Maya waxaan islahaa armey diidayaan

 

Samiira:

Banaanka in aad fadhiisano ayaa xun mooyee in saloonka aan ku wada sheekeysano wax dhib ah malaha Hooyo iyo Aabe waxba uma arkaan.

 

Qadar:

Maasha Allah

 

Markiiba guriga ayaa gudaha loo galay aabe Mumin oo fadhiyey barandhada ayay sii baartay kadibna qolka fadhiga ayay geysay oo waliba ku tiri Qabow iyo kuleyl maxaan kuu keenaa markiiba waa uu ka cudurdaartay sidii ayaana sheekadii lagu guda galay.

Qadar oo warka furay ayaa yiri

 

Qadar:

Runtii waan kaa raaligelinaa in fariimahaaga aan kaaga soo jawaabin

 

Samiira: 

Ma ogaan karaa sababta aad igu soo jawaabi weysay haddii adan dhib u arkeynin

 

Qadar:

Walaahi culeys weyn ayaa xagga xisaabta ganacsigeena ka jiray intaas ayaan ku mashquulsanaa

 

Samiira:

Hadda taa mala xaliyey

 

Qadar:

Haa alxamdullaahi Suleymaan oo xisaabka aad ugu fiican ayaa nala xaliyey balse waqti badan ayay qaadatay in la helo meesho uu qaladka ka jiro.

 

Samiira:

Maasha Allah Qadar xasuuso kulankeena ugu horeeyey in aan ku dhahay waxbarashada hore u sii wad maanta runtii cidna uma baahan laheyn.

Qadar inta uu qoslay ayaa uu yiri

 

Qadar:

Waxabarashada aad ayaad u jeceshahay

 

Samiira:

cid kasta oo aan jeclalaahay waan la jeclaataa

 

Qadar:

Runtii ma aqaan waxan ku dhaho maxaa yeelay sidaan hore kugu sheegay aniga jaceylka iyo la haasaawida dumarka kuma fiicni noloshana dhinacaas kama sawiranin waxayna ila tahay in aan aheyn ninkii munaasibka kugu ahaa.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com