Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 51aad

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com

Samiira oo aad ugu fiirsaneyso jawaabta ay ka dhihi laheyd hadalka Qadar ayaa iyada oo si buuxda u fiirineyso ku tiri.

Samira:

Aniga marnaba isma dhiibin jaceylka waan aaminsan nahay midkaan adiga kuu dareemay waa kii igu horeeyey waxaan kuu arkaa nin igu munaasib ah mar haddaadan xiriir cid kala la laheyn ma qabo inaan is dhiibo oo aan mayada aad ledahay aan qaado waan hubaa haddii aad gacantaada ii dhiibto in aan ku socod bari doono maalina uu jaceylkeena uu ahaan doono mid meel kasta ka muuqda qalbigayga waan ku kalsoon nahay imana rajo tirin jawaab la’aantaada walow aan xoogaa is xumeeyey,

 

Qadar:

Waan kaa raali gelinayaa kun jeer

 

Samiira:

Ma ogtahay waxaan isu sheegay oo aan qalobigayga aan u sheegay in aad diidan tahay in reerka gabadha idinka qabo aad mar kale gabar u horfadhiisato.

 

Qadar ooo aad ula yaabay waxa ay ka hadleyso ayaa yiri

 

Qadar:

Maxaad ka wadaa kuma fahmin

 

Samiira:

Falis sow walaalo ma tihiin micnaha Falis Warsame

 

Qadar:

Haa

 

Samiira:

Falis wiilka qabo sow walaalkay iga weyn maaha

 

Qadar:

Maya kaama yeelin Yaasiin xaafadooda waan aqaan waliba aabahiis waan arkay maya walaalkaa maaha

 

Samiira inta ay qososhay ayay tiri

 

Samiira:

Dadka oo dhan ayaa sidaan dhihi lahaa ileyn aniga reerkaan ayaa la igu yaqaan Prof Muumin iyo Hooyo Farxiya ayaa loo heystaa in ay i dhaleen ruintii anigaba waan jclaan lahaa in sidaas ay ahaado Qadar Hooyadey Farxiya iyo aabe Mumim jaamacadii beri samaanka dalka ka jirtay ayay wada dhigan jireen oo ay iska jeclaadeen.

Markii ay is guursadeen oo ay in cabaar ah isaqabeen ayuu baaritaan dibada u aadeen waxaana loo sheegay in cilada ay tahay Hooyo Farxiya oo xataa ay aad u yareyd fursada ay Hooyo ku noqon kartay aabe Mumin waa ku dhaartay inuusan ka tagi doonin xataa uusan naag kale guursan doonin.

Markaa ayuu aabe Cali aniga oo 11 bilood jira ii keenay Hooyo Farxiya oo uu ku yiri gabadhaan korsada idinka ayaana dhalay oo waalid ah u ah noloshii ay siin lahaayeen ubadkooda ayay I siiyeen weligey waxaan rabin lama sameyn wax kasta aan u baahan nahay iyo farxadeyda iyaga ayaa igaga xog ogaalsana illaahay mahadiis 10 sano markaan jiray ayaa uu illaahay Hooyo Farxiya siiyey gabar maanta 12 jir ah Yusra la yiraahdo.

 

Qadar:

Micnaha adigana 22 jir ayaa tahay

Samiira inta ay qiososhay ayay tiri

 

Samiira:

Si sahlan ayaad dadeyda ku heshay

 

Qadar:

Si kasta waan kaa weyn nahay

 

Samiira:

In aad iga yar tahay ama aad iga weyn tahay muhiimada maaha kaliya in aan nolosha isla fahamno ayay muhiimada tahay.

 

Qadar:

Inshah Allah waan is fahmeynaa

 

Samiira:

Micnaha in aad gacantaada ii dhiibto ayaad ogolaatay

 

Qadar:

Adiga dareenkaaga ugu horeyey ayaa dareentay waana qirataya walow aan aniga kula qabin oo uu dareenkaas qabin laakiin in aan saanta kula qaado ayaan diyaar u ahay intaas uu dareenka xagayga beri yimaadaa.

 

Samiira:

Wax badan ayaan is baran doonaa waana hubaa nolosha kuma kala tagi dooni

 

Qadar:

Ma hubtaa

 

Samiira:

Qalbigayga kalsooni ayaa uu kugu qabaa waxa uuna I leeyahay waad guleysaneysaa

 

Qadar:

Inshah Allah

 

Ugu dambeyn Qadar waa uu aqbalay in xiriirka ay u soo bandhigtay Samiira uu waqti siyo waxayse Is weydiinti tahay maxay tahay waxa ka guuxayo qalbiga Qadar ee uu u ogolaaday xiriirkaan bal aan aragno sida talaabta ay iskula qaadaan Qadar ogaanshaha uu ogaaday in Samiira ay la dhalatay Yaasiin ka uu aadka u necbanaa ma la dhihi karaa wax kale ayaa qalbigiisa ka guuxayo.

 

Dhinaca kale Farxad kasta il neceb kama marna Falis beryahaan xaalkeeda ma fiicna mudo ay farxad iskula noolaayeen iyada iyo ninkii ay adduunka ka xulatay ee yaasiin ahaa ayaad moodaa in beryahaan uu ka gaabiyey reyn reyntii iyo farxada uu reerkooda ku dhisnaa wuxuuna bilaabay inuu xilli dambe uu guriga yimaado tani ayaa shaki weyn u aheyd Falis oo aad ula yaabtay habdhaqanka uu la yimid iyadoo dhacda xataa in beryaha qaar uusan tagin carwadii loo furay ama uu ka daaho oo uu xilli dambe furo.

 

Sidoo kalana ay nolosha weli ay ku adag tahay Yaasmiin oo iyada farxada lamaanaha weligeed aan ka helin lamaanihii nafteeda Mursal oo weli aad mood inuu gacanta ku haayo noloshiisa hore oo ku noqotay mid ka horistaagto farxada reerkiisa iyo noloshiisa cusub.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com