Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 52aad

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com

Qadar wax kasta oo ugu baxay xiriirka Samiira u soo bandhigtay weli kama uusan hadlin balse habeen isaga oo Samiira Xaafadeeda ku socda arkay Saaxiibkii Saalaxey waxaana dhexmartay sheekadaan.

 

Saalaxey:

Haye Qadar baabuurka ayaan maqaayada laamiga ku soo arkay maxaad u xareyn weyday mise meel ayaad u socotaa.

 

Qadar:

Haa meel ayaan u socdaa

 

Saalaxey:

Weligay kuma arag adiga oo xilli habeen ah baabuur kaxeysanayo oo waliba meel ku socda  

 

Qadar:

Ma is tiri noloshiisa ayaa isa soo badashay

 

Saalaxey:

Kuma fahmin

 

Qadar:

Gabar ayaa nolosheyda ku soo biirtay

 

Saalaxey:

Waa waxaan aqbali Karin

Qadar:

Haddaba caawa aqbal gabar ayaa nolosheyda soo gashay oo aan waliba caawa ku socdaa maxaa kale oo aad I leedahay ileyn waqti ayaa igu socdee.

 

Saalaxey:

Qadarow I qabo malaha riyo ayaan ku jiraa

 

Qadar inta uu qanjaruftay ayaa uu ku yiri

 

Qadar:

Is celi waan kuu soo laabanaa ee meeshii aan fadhiisan jirnay igu sug

 

Saalaxey yaab iyo amakaag ayaa ku dhacay oo wax weyn ayay la aheyd in Qadar uu gabar ka helay waliba uu caawa la kulmayo war jiraaba cagaaruu imaan inta uu yiri ayuu xaafadiisa aaday xilli hore isku soo diyaariyey halkii igu sug ka yiri.

 

Qadar habeenkii koowaad ayay u aheyd tan iyo markii uu aqbalay xiriirka jaceyl ee ay u soo bandhigtay Samiira walow uusan si buuxda jaceylkeeda u aqbalin hadana waxa uu u sheegay in ay waqti ay siiso habeenkaan waala sugaayey sidii uu filaayey ayaa gudaha la soo geliyey oo qolka fadhiga ayay wax badan ku sheekeeyeen iyada inta badan sheekadooda ay aheyd in qofba qofka kala uu kaga sheekeeyo qoyskeeda iyo hamiga ay nolosha ka leedahay kadib markii uu Qadar u sheegay in uu baxayo ayay Samiira ku tiri “Wax yar I sug waana ka baxday qolka waxaase markiiba u soo gashay Yusra oo habeenkii hore aan arkin Qadar ayaa markii ay agtimid ku tiri.

 

Yusra:

Magaceyga waa Yusra waxaan ahay gabadha ka yar Samiira adna

Qadar:

Anigana Qadar

 

Yusra:

Qadarow mid ma ku weydiiyaa

 

Qadar:

I weydii

 

Yusra:

Waxaan dareemayaa in aadan ka mid aheyn ardayda Jaamacada ee adiga sifadee ayaad ku soo gashay guriga.

 

Qadar:

Adiga ardayda Jaamacada oo dhan ma taqaanaa

 

Yusra:

Haa si fiican waliba ardayda qolka buugaagta taal ayaa ay fadhiistaan laakiin adiga qolka fadhiga ayaa lagu soo geliyey.

 

Qadar:

Gartay adiga maxaad is leedahay

 

Yusra:

Waxaad kuu arkaa in aad tahay saaxiib qaaska ee Samiira sax

Qadar:

Sax

 

Yusra:

Micnaha anigana dumaashoigey ayaa tahay sax

 

Qadar:

Maya maya taa weli ma gaarin

 

Yusra:

Haa xiriirkiina ayaa bilow ah sax

 

Qadar:

Sax

 

Yusra:

Ok barasho wanaagsan

 

Qadar:

Wanaagsan

 

Markiiba waxaa soo gashay Samiira oo tiri

 

Samiira:

Haye halkaan ayaa joogtay Qadar waa tan walaashay Yusra

 

Qadar:

Iyada is key bartay waa gabar maskax weyn ku rakiban

 

Yusra:

Dadka oo dhan ayaa sidaan I dhaho laakiin aniga in aad ku barto waan ku faraxsan nahay

 

Qadar:

Anigaba sidoo kala

 

Samiira:

Tan waa ay war badan tahay armey ku dhibtay

 

Qadar:

Maasha allah da’deeda iyo maskaxdeeda isma laha

 

Yusra:

Waad mahadsan tahay Dumaashi

 

Qadar:

Laakiin sidaan iskuma ogeyn Yusra

 

Yusra:

Iga raali noqo afkaa iga soo xaday balse Dhib malaha maalin ayaa imaan doonto oo aan si waadax aan kugu yeeri doono magacaas.

 

Samiira:

Tan waa ay dhib badan sow kuma dhihin

 

Yusra:

Haye waa idiinka sii tagay Qadar barasho wanaagsan mar kale

 

Qadar:

Runtii waa gabar firfircoon

 

Samiira:

Qadar waxaan kuu keenay buugaan waxaan filayaa in uu wax weyn kuu tari doono

 

Qadar:

Muxuu ku saabsan yahay

 

Samiira:

Waa bug wax badan kaa baahi tiri doono xagga ganacsiga sida dhaqaalaha loo kobcin karo furdaha wacan ee ganacsiga sida loo abuuri karo iyo arrimo badan marka waxaan u arkay inuu wax weyn kugu soo kordhin doono.

 

Qadar:

Maasha allah waan ku mahadsan tahay

 

Samiira:

Xataa u qaado in uu yahay hadiyadii kugu horeysay ee gabar ku jecel kaaga timid.

 

Qadar inta uu qoslay ayaa uu yiri

 

Qadar:

Waana sidaas gabarina kaama horeyn hadiyad lagaagama horeyn halkeedii ayaa dhigtay.

 

Sidii ayaa la isku macaslaameeyey oo uu Qadarna ku baxay oo uu ku abaaray xaafadiisa.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com