Dowlada Federalka ayaa bilowday ayaa bilowday qorshe ay dib ugu howlgalinayso nidaamka Boostada kadib markii  kulan kulan uu shir guddoominayay Kulankan oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowlada Federalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa lagu go’aamiyay in la dardargeliyo isticmaalka boostada.

Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada ayaa go’aamiyay in dhammaan wasaaradaha xukuumaddu ay faraan shirkadaha iyo hay’adaha is-diiwaangelinaya ama cusbooneysiinaya rukhsadaha ay la yimaadaan caddeyn muujineysa inay leeyihiin sanduuq boosto.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan oo  kulankan ka qeybgalay ayaa sheegay in guddi gaar ah oo uu madax u yahay Wasiiru-dawlaha uu u xilsaaray sidii ay u dardar-gelin lahaayeen Boostada Dalka, una beddeli lahaayeen qaabka ay hadda u shaqeyso oo caqabado badan ay ka hor yimaadeen.

Wasiiru dawladaha, Mudane C/laahi Bile Nuur, oo soo jeediyay qorshaha Wasaaradda ee dhinaca boostada ayaa sheegay in dhowaan la billaabi doono in boostada dalka loo diri karo dalka dibeddiisa, ka dib markii bishii Luulyo ee sanadkan ay Wasaaraddu la soo saxiixatay Boostada Jabuuti heshiis wada-shaqeyn ah oo dhex maraya Boostada Soomaaliya iyo midda Jabuuti.

Dowlada Soomaaliya ayaa Sanadkii 2013-kii laga billaabay in la keeno boostada ka imanaysa dibedda, hase yeeshee ma suurtogelin in dibedda loo diro boostada ka baxaysa dalka.

Hase yeeshee adeegga Boostada ayaa ah mid haatan laga soo gudbay iyadoo dadku ay isticmaalaan adeega internetka kaasoo ilbiriqsiyo akhbaarta la isugu gudbiyo.