Tababar loo furay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed

????????????????????????????????????

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) ayaa maanta tababar u furay Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska.

Munaasabadda tababarka loogu furayey saraakiishaan, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac (Keynaan) Taliye ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka iyo saraakiil kale.

Saraakiisha dhalinyarada ah ee maanta tababar loo furay, ayaa ah kuwo dhowaan ciidanka Booliska ku soo biirey iyagoo lagu qaatay heerarkooda waxbarasho, waxayna mudada uu tababarku socdo ku baran doonaan casharo la xiriira sida ay u shaqeeyaan Ciidanka Booliska iyo Sharuucda Booliska Aduunka.

Casharada lagu qaadanayo Tababarkaan, ayaa waxaa bixin doona Madaxda Hoggaanada Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana hoggaan walbo uu bixin doonnaa shaqooyinka u gaarka ah ee uu qabto.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) ayaa Saraakiisha dhalinyarada ah ee maanta tababarka loo furay kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan casharada la siinayo, isagoo xusay in tababarada noocaan oo kale ah la kordhin doono, si sare loogu qaado Aqoonta Ciidanka Booliska.

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in tababarkaan muhiim uu yahay saraakiisha dhalinyarada ah, maadaama ay wax badan ka kororsanayaan, waxaana Taliska Ciidanka Booliska uu ku ammaanay dadaalka ay galinayaan sare u qaadista aqoonta ciidanka.