Tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada ee loo filayay in uu ka dhaco sanadkan magaalada Kismaayo ayaa la go’aamiyay in loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho.

Kulan ka dhacay xalay magaalada Muqdisho loogana dooday qabashada tartankan  kadib markii la ogaaday in weli uusan diyaar ahayn garoonka magaalada Kismaayo ee hore loo qorsheeyay in uu ka dhaco tartankan.

Kulankan oo ay ka qeybgaleen wasiiro ka socda maamul goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa loogaga dooday sidoo kale xilliga uu dhacayo tartanka waxaana la isku raacay inaan wax laga bedelin jadwalka tartanka iyaaraha maamul goboleedyada dalka oo ku beegan 7da bisha December 2017.

Tartanka Ciyaaraha Maamul Goboleedyada dalka oo sanadkan diyaar garow badan laga sameeyay ayaa waxaa ka qeyb galaya Maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir.

Bishii July ee sanadkii 2016-kii Tartankii Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada ee lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ku guuleystay Maamulka Puntland, halka Jubbaland ay kaalinta labaad soo tiigsatay.