Todobaadka Dhaqanka ee Jaamacadda Muqdisho oo loo qabtay Dufcadii 22aad ee Ardayda cusub 

Waxaa maanta Xarunta ugu weyn ee Jaamacadda Muqdisho lagu soo gabagabeeyay  todobaadka dhaqanka ee Jaamacadda, kaasoo loo qabtay dufcadii 2aad ee Ardayda cusub ee dhowaan ku soo biirtay jaamacadda.

Munaasabadan ayaa ujeedkeedu yahay in Ardayda cusub lagu baro nidaamka Jaamacadda u dagsan, lagana rabo inta uu ku guda jiro sahanka waxbarashada inuu ilaaliyo nidaamka u dagsan Jaamcadda, waxaana ardayda soo bandhigeen waxyaabaha ay hal abuurka u leeyihiin ee ardayga ku duugan.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Madaxa Xafiiska Ardayda ee Jaamacadda Muqdisho Ustaad Muuse Axmed Cabdalla, isagoo soo dhaweeyay ardayda cusub, waxaana uu kula dardaarmay Ardayda inay guntiga dhiisha isaga dhigaan, wuxuuna u rajeeyay guul iyo horumar.

Diiwaan hayaha guud ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xasan Nuur ayaa u hambalyeeyay ku soo biiritaanka ama doorashada Jaamacadda Muqdisho ay doorteen, wuxuuna kula dardaarmay inay dadaalkooda sii laba laabaan.

Madaxa Hormuud Foundation C/llaahi Nuur Cusmaan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka soo qeyb galo bandhiggan, isla markaana uu arko waxyaabaha ardayga uu hal abuurka u leeyahay.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal Cali oo munaasabada ka hadlay ayaa uga mahadceliyay ardayda cusub iyo waalidiintooda doorashadii ay soo doorteen Jaamacadda Muqdisho.

“Jaamacadda Muqdisho waa lagu soo kala horeeyay ee lama kala laha aqoonyahankii dhidibada utaagayna waxay isku dhaarsadeen in Jaamacadda Muqdisho loo sameeyay shacbiga Soomaaliyeed”ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa yiri “Maalmahan waxaa ku guda jirteen todobaadka dhaqanka ee Jaamacadda Muqdisho idinkoo waxbadan ka bartay qaab nololeedka iyo qawaaniinta u dagsan Jaamacadda Muqdisho waxaan ku kalsoonahay inaad noqon doontaan arday akhlaaq leh guulo badana xaqiijin doono”.

“Tiisa daryeela tukale ku dara si aad waalidiintiinna ugu abaal gudaan waa inaad dadaal dheeri ah muujisaan isbadal ayaa la idin karabaa in waalidkiin ay idinka dareemaan akhlaaq iyo horumar joogta ah”

Mar uu kahadlayay guddoomiyaha Jaamacadda Muqisho waxyaabaha ay gaarka utahay Jaamacadda Muqdisho inay ka mid yihin waxbarasho kusalaysan akhlaakh, karti iyo islaanimmo, imtixaankeeduna uu yahay mid hufan ardaygeedana uu yahay mid la ixtiraamo isna uu ixtiraamo macalimiintiisa iyo maamulkiisa horayna ay usoo saartay dad tayo leh oo bulshada soomaaliyeed wax baddan oo lataaban karo u qabtay.

“Jaamacadda Muqdisho waa jaamacad u taagan inay soo saarto hogaamiye ummadiisa u horseeda wanaag sharaf iyo cisi kana ilaalisa ama ladagaalanta waxyaabaha xunxunka ah ee ay ka mid yihiin qabyaalada iyo miraheeda xun,“Waxaan balan qaadeynaa in jaamacadda muqdisho aad ugu imandoontaan cadaalad, akhlaaq iyo waxbarasho tayeeysan.” ayuu ku soo gaba gabeeyay Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal.