Waxaa garoonka Koonis Stadium ka socota ciyaarta Finalka ee dhex mareysa Xulalka Kubadda cagta ee Jubbaland iyo Puntland oo sanadkii labaad isku arkaya Finalka.

Kooxda Puntland oo heysata Koobka ayaa dooneysa inay difaacato oo sanadkii labaad oo isku xiga ku guuleysato, sidoo kale Jubbaland oo sanadkii hore laga qaaday koobka ayaa iyana dooneysa inay aarsato.

Tartanka Ciyaaraha kubadda cagta Maamul goboleedyada ayaa maanta la filayaa in si rasmi ah loo soo gaba gabeeyo, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa soo agaasintay Tartanka.

Si toos u daawo Ciyaarta Finalka:-