Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa goobjoogayaal caalami ah oo kormeerayay doorashadii shalay ka dhacday gobolada Somaliland ayaa sheegay in goobaha  doorashada qaarkood ay qaladaad ka jireen ayna walaac ka muujinayaan, balse doorashada ay u dhacday habkii loo marayay doorashooyinka.

Goobjoogayaasha ayaa waxa ay sheegeen inay booqdeen illaa iyo 350 goobood oo codadka laga dhiibanayay shalay ayna ku arkeen dad aan da’adii codeynta aan gaarin oo codeynaya. Sidoo kale Kormeerayaasha ayaa waxa ay sheegeen in goobo ka mid ah goobihii lagu codeynayay ay ciidamadu ay gudaha u galeen kormeerayaashana laga saaray.

Kormeerayaasha ayaa waxa ay sidoo kale xuseen in degmada Badhan aysan ka dhicin wax doorasho ah oo la joojiyay doorashada.

Dhinaca kale guddiga doorashada ayaa waxaa ay sheegeen in tirinta codadka doorashada ay ka bilaabatay degmooyinka inta aan ka ahayn Hargeysa iyadoo markale lagu tirin doona codadka magaalo madaxyada gobolada.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka Siciid Cali Muuse ayaa sheegay inaysan jirin wax cabasho ah oo soo gaaray Guddiga Doorashada waxana uu xusay in natiijada doorashada lagu dhowaaqi doono muddo toddobaad gudihiis ah.

Magaalada Hargeysa  ayaa waxaa maanta ka ambabaxay inkabadan toban safiir oo wakiil ugaga ah wadamadooda dalka Soomaaliya kuwaasoo shalay goobjoog ka ahaa doorashada ka dhacday Somaliland.