Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Ujeedada socdaalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr Sabriye ayaa ah sidii uu Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ay ugu soo dhoweyn lahaayeen.

Wasiir Sabriye ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Senator Cabdi Qeybdiid iyo mas’uuliyiin kale, waxaa uga sii horeeyay Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalinta berri oo Sabti ah lagu wadaa inay booqdaan magaalada Gaalkacyo, waxaa uu booqan doonaa magaalooyinka Cadaado, Caabudwaaq, Dhuusa Mareeb, iyo Guriceel.