Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in la dilay raggii ka danbeeyay dilkii Maxamed Maxamuud Sheikh Cali

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay toogteen toogtey maleeshiyaad hubeysan oo Baabuurta ka dhex toogta dad aan waxba galabsan.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in la haayo cadaymo muujinaya in maleeshiyadaan ay ka danbeeyeen dilkii Muqdisho loogu gaystay Allaha u naxariistee Maxamed Maxmuud Sheekh oo ka mid ahaa dhalinyarada firfircoon ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidanka ammaanka haatan gacanta ay ku haayaan Gaari ay wateen maleeshiyaadkaan iyo Hubkii ay dadka ku dilayeen.

Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay dil loogu geystey  Masaajid ku yaala degmada Xamar Jajab  qof salaad ku jiray oo dukanayay, wuxuuna ku tilmaamay in falkaasi uu muujininayo sida maleeshiyada Al-Shabaab ay uga been sheegayso diinta islaamka.