Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo ka doodaya Mooshinka Guddoomiye Cali Gacal Casir

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku leh magaalada Dhuusamareeb, kaasoo ay kaga doodayaan Mooshinka laga keenay Guddoomiye Cali Gacal Casir.

Mooshinkan oo ah kalsooni kala noqosho ayaa Guddoomiye Cali gacal Casir waxaa lagu soo eedeeyay xil gudasho la’aan iyo inuu ku xadgudbay dastuurka u yaalla Galmudug.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay ayaa ku soo eedeeyay Guddoomiye Cali Gacal Casir inuu gabay xilkiisa, kana soo horjeedo midnimada iyo horumarka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa xalay ka waday magaalada Dhuusamareeb kulamo gaar gaar ah, waxaana la sheegayaa inay kulamo la qaateen Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Xukuumadda.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad Xareed oo mooshinka Guddoomiye Cali Gacal qabtay ayaa sheegay in mooshinka ay soo gudbiyeen 89 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa muddoooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana dhowaan is afgaran waa ku dhamaatay wada hadal laga dhex waday iyaga iyo Madaxweyne Xaaf.