Shirweyne ay isugu yimaadeen Wasaaraddaha Isboortiga iyo dhalinyarada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoo shirkan uu ahaa kii lixaad.

Shirka ayaa waxaa furay Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowlad goboleedyada, Xiriirka Kubadda Cagta, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

War murtiyeed laga soo saaray shirka ayaa lagu sheegay in 29-ka bishan November iyo 1 December ay bilaaban doono keenista iyo dib u dejinta Ciyaartoyda ka socda maamul goboleedyada ee ka qeyb galaya Tartanka Ciyaaraha ka furmaya Kismaayo.

7-da bisha December ayaa si rasmi ah loo furi doona tartanka kubadda cagta ee Maamul goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Federaalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dadaal ugu jirtay sidii loo qaban lahaa Tartanka kubadda cagta maamul goboleedyada oo horay dib u dhac ugu yimid.

Halkan hoose ka akhriso War murtiyeedka:-