Wararkii ugu dambeeyay weerarka Xarunta Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada oo laga saaray

by A M | Saturday, May 24, 2014 | 5762 views

Warar horu dhac ah ayaa ka soo baxaya weerar abaarihii 11:30 xilliga Muqdisho lagu qaaday Xarunta Golaha Shacabka oo ay ku shiraan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo weerarkan uu ku bilowday qarax weyn oo loo adeegsaday gaari, kaasoo ahaa ismiidaamin.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay dhanka albaabka laga galo Baarlamaanka ee xiga wadada laamiga ee hor marta Masaajidka Isbaheysiga.
Weerarka kadib ayaa rasaas culus ay bilaabatay, kaasoo ay is weydaarsanayeen kooxo ku hubeysnaa qoryaha fudud oo xirnaa dareyska ciidamada dowladda ay qaateen, iyadoo iska hor imaad muddo socday uu dhex maray ciidamada ilaalada ka haya Xarunta Golaha shacabka oo isugu jiray AMISOM iyo Boolis.

Shirka Baarlamaanka ayaa iskiis u istaagay, markii qaraxa dhacay, isla markaana Xildhibaanada ay kala carareen, waxaana mar dambe saraakiil ku sugneyd xarunta Golaha shacabka ay u sheegeen Xildhibaanada inay is dejiyaan oo wali howl galka ka socdo banaanka xarunta golaha shacabka.

Ilaa iyo hada waxaa la maqlayaa rasaas goos goos ah, waxaana mar dambe laga saaray Xarunta Golaha shacabka Xildhibaanada Baarlamaanka, albaab dambe oo, sida ay xaqiijiyeen wariyeyaal ku sugan xarunta Golaha shacabka.

Wariye ku sugan xarunta Golaha shacabka ayaa sheegaya in mar ay bilaabatay kulankii baarlamaanka oo uu shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka labaad Mahad Axmed Cawad la maqlay qarax xoogan, kadibna ay is buurteen Xildhibaanada.

Ilaa 154 Xildhibaan ayaa ku sugnaa Baarlamaanka, xilliga weerarka bilaabanayay, waxaana la sheegayaa in Xildhibaao qaar oo gudaha xarunta golaha shacabka sii galayay ay la kulmeen qaraxii hore, kuwaasoo dhaawacyo ka soo gaaray.

Warbaahinta dowladda ayaa goor dhow sheegtay in raga hubeysan ee weeraray xarunta golaha shacabka ay isku dayayeen inay soo galaan xarunta, balse aanay u suura gelin, ciidamo saarnaa qeybta kore ee dhismaha ayaa la sheegay inay toogteen.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Like it? Share it!