Wasiirka Gaashaandhigga Diini oo booqday dhismaha cusub ee kulliyada saraakiisha ciidamada

by mahad | Monday, Feb 23, 2015 | 6836 views

Wasiirka  Difaaca Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagay goob laga dhisayo Kuliyada Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxana kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka S/G Daahir Aaden Cilmi iyo saraakiil kale.

Ugu horeyn, Wasiirka ayaa soo kormeeray goobta ay Dowladda Turkigu ka dhisayso xerada, isagoo sidoo kalena Warbixinno ka dhageystay Injineerka howshaasi  gacanta ku haya.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay sida ay u socoto dhismaha xerada uu maanta kormeerka ku tagay, isagoo intaasina ku daray in dhismaha xeradan uu muhiim u yahay wasaaradda Difaaca.

“Waxaa wax lagu farxo ah horumarka iyo dhismayaasha cusub ee ka socda xeryaha ciidamadda, waana mid qof walba oo Soomaali ah farxad gelin kara, sidaas darteed waxaan u mahadcelinayaa dowladaha aan walaalaha nahay ee qeybta ka qaadanaya horumarka ciidamadda Soomaaliyeed gaar ahaan dowladda Turkiga oo howshan gacanta ku haysa ”ayuu yiri Wasiirka Difaaca Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xusay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto howlaha dib u dhiska ah ee lagu sameynayo dhammaanba xarumaha ay leedahay Wasaaradda Difaaca, ayadoo dib u dhiskaasina lala kaashanayo hay’adaha iyo Dowladaha Soomaaliya saaxiibada la ah, wuxuuna ku booriyey shacabka Soomaaliyeed iney gacana ku siiyaan sidii loo soo celin lahaa sharaftii ciidamadda xogga dalka Soomaaliyeed.

 booqasho kulliyada saraakiisha (1) booqasho kulliyada saraakiisha (2) booqasho kulliyada saraakiisha (3) booqasho kulliyada saraakiisha (4) booqasho kulliyada saraakiisha (5) booqasho kulliyada saraakiisha (6) booqasho kulliyada saraakiisha (7)

Like it? Share it!