Golaha Shacabka oo ansixiyay heshiiska Damaanad Qaadka Darafyada badan

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Heshiiska Damaanad Qaadka Maalgashiga Darafyada Badan.

Xildhibaannada oo dood ka yeeshay heshiiskaan ayaa ansixiyay Waxaana Ogolaatay 139 Xubnood, Waxaa Diiday 1 Xubin halka 2 Xubnood ay ka aamuseen.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo fadhiggii maanta shir gudoominayay ayaa ku dhawaaqay inuu ansax noqday Heshiiska Damaanad Qaadka Maalgashiga Darafyada Badan..

Waxaa Xeerkan ka horyimid hal Xildhibaan waxaana ka aamusay labo Xildhibaan iyada oo uu sidaas ku noqday mid sharci ah dhinaca Golaha shacabka.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa maanta lagu wadaa in ay ansixiyaan Sharciga Duulista Rayidka ee Hawada kaas oo ay isla maanta aqrinta 3ad marsiinayaan.

Golaha shacabka ayaa dhawaan gelaya fasax waxaana ay fasaxa ka hor xoogga saarayaan meel marinta sharciyo dhowr ah oo horyaalla Golaha shacabka.

Baarlamaanka ayaa galay sanadkiisii ugu dambeeyay waxaana wixii ka dambeeya bisha 6aad ee sanadkan uu gelayaa ololaha doorashada.