Baarlamaanka Ciraaq oo ansixiyay qaraar ciidamada shisheeye ay uga baxayaan Ciraaq

Xildhibaanada Baarlamaanka Ciraq ayaa ansixiyay qaraar ku baaqaya in ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka Ciraq ay uga baxayaan dalka Ciraaq kadib markii toddobaadkii la soo dhaafay duqeyn ay diyaaradaha duuliyaha lahayd ku dileen general ka tirsanaa ciidamada Iiraan.

Rai’sul wasaaraha Cadil Cabdul Mahdi, ayaa khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka waxa uu ka sheegay in go’aankani uu yahay mid u wanaagsan Ciraaq , iyada oo ay jirto dhibaatada gudaha iyo dibadda ee uu dalka wajahayo.

Baarlamaanka ayaa waxay sidoo kale ka codsadeen dowladda Ciraaq inay mamnuucdo in sinaba ay xoogaga shisheeye u isticmaalaan dhulka, cirka iyo biyaha Ciraaq.

Dalka Ciraq ayaa waxaa ku sugan ciidamo  Mareykan ah oo tiradoodu gaareyso 5,000 oo askari kuwaasoo badankood ah la taliyaan dhinaca milatariga ah.

Rai’sul wasaare Caadil Cabdul Mahdi oo horgeeyay qaraarkan baarlamaanka ayaa ku baaqay in la soo afjaro joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka Ciraaq.

Dalka Ciraq ayaa haatan u muuqda inuu ku dhex jiro xaalad adag kadib markii labo dal oo ay saaxibo yihiin Iran iyo Maraykanka ay xiisad colaadeed ka dhex jirto.

Iran ayaa ku dhowaaqday inay ka aargoosan doonto weerarka lagu qaarijiyay generalkii awooda lahaa ee Qaasim Sulaymani.

Ciidamada Maraykanka ayaa dalka Ciraaq hore ugaga baxay balse waxa ay dib ugu soo laabteen sanadkii 2014 xiligaa oo ay dowlada Ciraq ka codsatay in laga caawiyo ururka IS oo qabsaday inta badan gobolada dalka Ciraq. +��