Duqa Muqdisho oo magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Cabdulcasiis

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Cabdulcasiis Mahdi Faarax Cabdulle.

Guddoomiyihii hore ee degmada Cabdulcasiis Sabaax Cabdulaahi Asad ayaa ku geeriyootay qaraxii xarunta gobolka Banaadir ka dhacay sanadkii hore.

Mas’uuliyiinta kala duwan ee Degmada Cabdicaiis ayaa la faray inay la shaqeeyan Guddoomiye Mahdi Faarax, waxaana maalmaha soo socda uu la wareegi doonaa shaqada maamulka degmadaas.

Duqa Muqdisho ayaa hore u soo magacaabay guddoomiyaashii hore ee Shangaani iyo Waaberi oo kamid ah guddoomiyaashii ku dhintey qaraxii uu sidoo kale ku geeriyooday duqii hore ee Muqdisho Cabdiraxmaan Cismaan Cumar.