Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta la kulmay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.
Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen qodobbo ay ka mid yihiin sharciga doorashada, kaas oo hor yaalla hadda Aqalka Sare.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay sharcigan tilaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhismaha nabadda, isagoo boorriyey in wakhtigiisa lagu meel mariyo si uu ula jaan qaado doorashada 2020.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Qaramada Midoobey doorka ay ka qaadaneyso taageerada dhinaca walba leh oo ay siiyaan Soomaaliya.