Musharax Cabdi Dheere oo la kulmay Hoggaanka Ahlusuna

Musharrax Madaxweyne Galmudug Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi Dheere) oo dhawaan gaaray magaalada Dhuusa-marreeb ayaa kulan la qaatay hoggaanka sare Ahlusunna Waljamaaca.

Kulankan oo qeyb ka ah kulammo is-dabajoog ah oo Musharrax Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi-Dheere) uu la qaadanayey bulshada Galmudug qeybaheeda kala duwan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo doorashooyinka la filayo inay ka qabsoomaan Magaalada Dhuusa Mareeb oo caasimad u ah Maamulka Galmudug.

Musharax Cabdi Dheere iyo Hoggaanka Ahlusuna ayaa kulankooda waxaa lagu gaaray is-afgarad buuxa sidii Galmudug ay u yeelan lahayd maamul adag oo ka shaqeeya danaha Reer Galmudug iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Guud ahaan kulanka labada mas’uul ayaa ku soo dhammaaday Isfahan iyo in xaaladda jirta awgeed ay u baahan tahay Galmudug shaqsi aqoon iyo karti u leh sidii Dowlad Goboleedka Galmudug ay u sameyn lahayd horumar waxna ula qeybsan lahayd maamullada kale ee dhiggeeda ah.