Maxkamada Ciidamada Puntland oo dil ku xukuntay saddex askari oo dilal geystey

Maxkamada ciidamada Puntland ayaa maanta ku xukuntay saddex askari dil toogasho ah halka labo kalana ku xukuntay inay bixiyaan magta dad rayid ah oo ay dileen.

Maxkamada ayaa waxaa ay ku xukuntay dil toogasho ah Axmed Aaden Maxamed (Gaagaale) oo lagu helay in uu dilay Taliyihii Saldhiga Booliiska ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, G/sare Xasan Shire Ammaan.

Sidoo kale, Maxkamada ayaa ku xukuntay  Ayaanle Maxamed Cabdi iyo Axmed Maxamed Muuse dil toogasho ah kadib markii lagu helay inay hore u dileen askar ka tirsan ciidamada Puntland.

Ugu dambeyntii maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa ku xukuntay  Cabdulqaadir Axmed Maxamed iyo    Cabdulqaadir Ayaanle Maxamed inay bixiyaan magta ama diyada labo ruux oo shacab ah oo mid ka mid ah uu ka soo jeedo dalka Yemen.