Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xasilinta Gaalkacyo oo qarax ku dhaawacmay

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo, kaasoo lala eegtay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xasilinta magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/casiis Faarax Istakiin, ayaa dhaawac culus uu ka soo gaaray qaraxa oo ahaa mid gaarigiisa lagu xiray.

Dhaawaca Sarkaalkan ayaa la dhigay Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo, halkaasoo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo.

Ciidamada Amniga ayaa qaraxa kaddib howlgalo ka sameeyay xaafadaha waqooyiga Gaalkacyo, inkastoo aanay jirin cid loo soo qabtay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhacayay falal amni daro, iyadoo bishii December ee sanadkii hore qarax lala eegtay Taliyaha Ciidamada Dhulka ee xoogga dalka Jen. C/xamiid, inkastoo uu ka badbaaday.