Qoysas bilaabay inay ka guuraan xaafadaha ku dhow saldhigga Manda Bay ee Kenya

Qaar ka mid ah qoysas degenaa deegaanka ku dhow Saldhigga ciidamada ee Manda Bay ayaa bilaabay inay isaga guuraan guryahooda iyagoo degey deegaano kale.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qoysaska ay u guurayaan deegaan lagu magacaabo Hindi iyo Mukaawe si ay uga baxsadaan weeraro laga yaabo in markale ay Al-Shabaab ku soo qaadaan saldhigga.

Al-Shabaab ayaa weeraray Axadii aynu ka soo gudubnay Saldhig ku yaala deegaanka hadda laga barakacayo iyagoo ku diley ciidamo isugu Jira Maraykan iyo Kenyan sidoo kalena waxyeelo culus gaarsiiyay diyaarado.

Guud ahaan ammaanka dalka Kenya ayaa la adkeeyay iyadoo laga cabsi qabo in weeraro ay ka geystaan Al-Shabaab oo sanad walba bisha Janaayo ka fuliya weeraro gudaha dalka Kenya.