Wararkii ugu dambeeyay ee Xiisada Maraykanka iyo Iran

Tan iyo markii dowlada Maraykanka ay ku dishey weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn General Suleymani ayaa waxaa soo baxayay xiisad colaadeed oo ka dhex jirta Maraykanka iyo Iran.

Haddaba wararkii ugu dambeeyey ee arrimaha khilaafka iyo Maraykanka iyo Iran ayaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa.

Maraykanka oo qorsheynaya in ciidamadiisa uu kala baxo Ciraq

Maraykanka ayaa uu u direy dowlada Ciraq waxaa lagu sheegay in ciidamadiisa ku sugan Ciraq uu kala baxayo uuna geynayo meelo kale maalmaha soo socda.

Sida laga soo xigtey wakaaladaha wararkaee AFP iyo Reuters waxaan kala cadeyn in dhammaan ciidamada gaaraya shanta kun ee askari ay ka bixi doonaan dalka Ciraq.

Diyaarado Helikabtarada ah ayaa laga maqlayay shalay oo dhan saldhigyada Maraykanka uu ku leeyahay dalka Ciraq balse lama oga in diyaaradahaasi ay daad-gureynayeen ciidamada.

Ciidamada Maraykanka ee loo dirayo Khaliijka oo loo diiday taleefanada gacan qaadka.

Ciidamada Maraykanka ee loo dirayo dibbada gaar ahaan qeybta 82aad ee ciidamada cirka ayaa loo diiday inay hore u sii qaataan taleefanadooda gacan qaadka iyo wax walba oo la xiriira elektaroonikada kuwaasoo lagu ogaan karo halka ay ku sugan yihiin.

Afhayeenka Qeybtan Lt Col Michael Burns ayaa ku tilmaamay go’aankan inuu yahay mid la xiriira ammaanka howlgalada.

Burns ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu doonayo in ciidamadan oo ah kuwo bixiya jawaabaha degdega ah aan la ogaan halka ay tegeyaan.

Madaxweyne Trump oo weli daafacaya go’aankii lagu diley General Qasem Suleymani

Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa ku tilmaamay qaarijiskii General Suleymani inay Maraykanka ka dhigtey meel ammaan ah.

Trump oo weli daafacaya dilkii Generalkan ayaa ku eedeeyay madaxweynayaashii hore ee Maraykanka Obama iyo Bush inaysan tallaabo ka qaadin Solaymani.

“Dilka Suleymani waxa ay ahayd in la fuliyo 15-20kii sano ee la soo dhaafay, waayo waxa uu ahaa argagixiso.”ayuu yiri Trump.

Maraykanka oo u digey muwaadiniintiisa joogta Israel

Safaarada Maraykanka ee Israel ayaa soo saartay digniin ku aadan muwaadiniinta Maraykanka ee u safray Daanta Galbeed iyo Gaza kadib markii ay cirka isku shareertay xiisada ka jirta Bariga Dhexe.

Maraykanka ayaa muwaadiniintiisa ka codsaday inay feejignaadaan ayna ka taxadaraan dadka ay la hadlayaan.

Shaqaalaha Shirkadda Shidaalka ee Chevron oo laga daadgureeyey Ciraq.

Shirkadda shidaalka ee Chevron ayaa ka saartay dhammaan shaqaalaheeda Maraykanka ah gobolka Kurdistan ee Waqoyiga Ciraq.

Chevron oo ah shirkadda 2aad ee ugu weyndalka Maraykanka kana shaqeysa soo saarista shidaalka ayaa ku macneysay ka saarista shaqaalaheed arrimo la xiriira taxadar kaliya.