Akhriso: Guddoomiye Mursal oo farriin ku saabsan doorashada 2020/21 u diray Beesha Caalamka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa farriin ku saabsan doorashada dalka ka dhici doonta dhammaadka sanadkan iyo horaanta sanadka soo socoda u diray dalalka taageera Soomaaliya iyo Deeqbixiyeyaasha Caalamka.

Qoraal ku qornaa luqada English-ka ayaa loo diray Qaramada Midoobey Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka, iyadoo lagu ogeysiiyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Qaramada Midoobey, Deeqbixiyeyaasha iyo AMISOM ayaa looga mahadceliyay taageerada farsamo, dhaqaale iyo amni ee ku aadan doorashada 2020/21.

Qoraalka Guddoomiye Mursal u diray Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in sharcigii ay ansixiyeen Golaha Shacabka uu ahaa mid waafaqsan Dastuurka, isla markaana muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si toos u soo dooranayaan Xildhibaannada.

“Sharciga ay ansixiyeen golaha shacabka wuxuu waafaqsan yahay dastuurka waxaana la filayaa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan xildhibaanada, waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan kuu xaqiijiyo in xeerka doorashada uu noqon doono mid dhaqan gala waqtigiisa sanadka 2020/21-ka inkasta oo dhowr arrimood oo wali u baahan is waafajin siyaasadeed iyo dood dheer oo Baarlamaanku leeyahay, iyada oo looga doodi doono arrimahaasi fadhiyada golaha shacabka ee soo socda”ayaa lagu yiri qoraalka uu Guddoomiye Mursal u diray Beesha Caalamka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Baarlamaanka uu Guddi farsamo ka soo saari doono mustaqbalka degmooyinka iyo kuraasta Xildhibaanada, lana diyaarin doono qabyo qoraal gaar ah oo ku saabsan qaabka sida loo qeexi doono Golaha shacabka iyo kuraasta loogu qoondeeyay goob walba.

Sidoo kale waxaa Guddiga farsamo ee arrintan ka shaqeyn doono ay wadatashi la yeelan doonaan dhammaan saamileyda siyaasadda oo ay ku jiraan dowlad goboleedyada xubinta ka ah dowladda Federaalka, kadibna ay soo bandhigi doonaan qaraar soo jeedin ah kalfadhiga xiga ee Baarlamaanka.

Waxaa kaloo qoraalka lagu caddeeyay in doorashada kuraasta Xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland loola dhaqmi doono mid gaar ah oo Baarlamaanka uu soo saari doono qaraar gooni ah iyo in sida loogu diyaarin doono doorashada kuraasta Somaliland.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka:-