Iiraan oo weerartay saldhigyo Mareykanka ku leeyahay Ciraaq

Iiraan ayaa duqeysay saldhigyo Mareykanka ku leeyahay dalka Ciraaq, taasoo jawaab u ah weerarkii todobaad ka hor uu Mareykanka ku dilay Jeneraal ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iiraan.

Telefishinka Dowladda Iiraan ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday saldhigga Ciidamada Mareykanka uu ahaa mid loogu aar-gudayay Jen. Qaasim Suleymaani.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in labo saldhig oo ay leeyihiin lagu weeraray Gantaalo.

Saldhigyada la weeraray ayaa kala ah Irbil iyo Al-Asad, waxaana ku sugnaa Ciidamo Mareykan ah, lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.

War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka Aqalka Cad ayaa lagu sheegay inay arrintan ka war-hayaan, laguna wargeliyay Madaxweyne Donald Trump.

“Waan ka war qabnaa weerarka lagu qaaday saldhigyadeena Ciraaq, madaxweynaha waa lagu wargeliyay arrintan, si dhaw ayuuna ula socdaa oo wuxuu darsayaa xaaladda isagoo latashanaya lataliyeyaashiisa dhanka ammaanka” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Javed Sharif ayaa sheegay in weerarkan uu yahay mid ay Iiraan ku aar-goosatay.

“Iiraan waxay weerarkan qaaday iyadoo eegeysa axdi qarameedka 51, waxayna duqeysay saldhigyadii sida fuleynimada ahaa looga soo weerary muwaadiniinteena, mana raadineyno dagaal ee waxaan difaaceynaa nafsadeena”, ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Tallaabadan ay qaadday Iiraan ayaa ku soo aaday, saacado kaddib markii shalay la aasay Jen. Qaasim Suleymaan oo todobaadkii hore lagu dilay duqeyn uu Mareykanka ka fuliyay magaalada Baqdaad.