Trump oo sheegay in cunoqabatayn cusub uu ku soo rogayo Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladiisu ay cunoqabatayn kale ku soo rogi doono dalka Iran kadib markii ay ciidamada Iran xalay duqeeyn u geysteen saldhigyo ay ciidamada Maraykanka ku leeyihiin magaalada Baqdad ee dalka Ciraq.

Trump oo si toos ah uga hadlayay warbaahinta la iska arko ayaa sheegay in weeraradii gantaalaha ahaa ee Iran ku duqeeyeen saldhigyada ciidamadiisu ku sugnaayeen aysan ka dhalan wax qasaare ah.

Hase yeeshee dowlada Iran ayaa sheegtay in duqeynta ay ka geysatay xalay ay ku dhinteen ciidamo badan oo Maraykan ah.

Madaxweyne Trump ayaa hadalkiisa waxa uu sidoo kale ku sheegay inuusan marnaba u oggolaan doonin dowlada Iran inay yeelato hub Niyukliyer ah,waxana uu ka codsaday gaashaanburta NATO inay kala shaqeyso sidii looga hortagi lahaa.

Xiisad ka dhalatay duqeyn lagu diley general Suleymani Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayaa sii kordheysa maalinba maalinta ka dambeysa.