Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay Koontaroolka Sayidka

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Koontaroolka Sayidka ee laga ilaaliyo Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo qaraxu dhacay xilli saf ku jireen gaadiidka lagu hubiyo koontaroolka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo qof naftii halige ah uu isku qarxiyay.

Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa la soo sheegayaa inuu qaraxa sababay, iyadoo goobta ay ku gubteen gaari wadada ku sugnaa

Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa wadada xiray, waxaana gawaarida gurmadka degdega ay qaadeen dadkii ku waxyeeloobay.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxa, iyadoo la is weydiinayo sida gaariga qarxay uu ku suura galay inuu soo gaaro barta Koontarool ee Sayidka, iyadoo inta badan waddooyinka magaalada ay Ciidamada amniga ay xireen, oo aan gaadiid ka soo gudbi karin dhanka Wadada Wadnaha.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii qarax weyn oo ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye ay ku dhinteen dad ku dhow boqol ruux, waxaana qaraxaas uu ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee sanadkii hore dhaca.