Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay Guddi loo saaray Kiiska Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga Dhexe

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay Guddi loo xil saaray baaritaanka Kiiska maxaabiis dhowaan ka baxsatay Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Kulankan ayuu Wasiirka warbixin kaga dhageystay Guddiga, waxaana uu sheegay in weli ay socoto baaritaanka la xiriira maxaabiista xabsiga ka baxsaday.

Wasiirka ayaa tilmaamay in wixii ka dhacay xabsiga ay aheyd arrin halis ah, waxaana uu caddeeyay in lala xisaabtami doono ciddii fududeysay baxsashada maxaabiista.

Xabsiga Dhexe ayaa ka mid ah meelaha aadka loo ilaaliyo, iyadoo ay leedahay dhowr bar ciidan oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Asluubta ee Ilaaliya Xabsiga.

Shakiyo kala duwan ayaa ka dhashay qaabka maxaabiista xabsiga uga baxsadeen, iyadoo la sheegay in taliyihii Xabsiga shaqo joojin lagu sameeyay.

Labada Maxbuux ee ka baxsatay Xabsiga oo ahaa rag ka tirsanaa Shabaab oo horay xukun loogu riday ayaa lagu kala magacaabayay Ismaaciil Cabdi Xalane oo loo yaqaanay (Ceel-macaan) iyo Ismaaciil Cali C/llaahi Naxar oo loo yaqaano (Tallman).