Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo si kulul u eedeeyay Dowlada Federalka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku eedeyay dowlada federalka inay afduub ku hayso shacabka Galmudug ayna si qaldan u wajahayso doorashada.

War-Saxaafadeed uu soo saarey Xaaf oo ku sugan Gaalkacyo ayuu ugu baaqay duqeyda dhaqanka Galmudug inay ka tashadaan qorshaha ay wado dowlada federalka oo ay ku dooneyso inay ku dhisto maamulka cusub ee Galmudug.

War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa loogaga hadlay ciidamada ay dowladda Soomaaliya geysay Dhuusamareeb kuwaasoo uu ku tilmaamay inaan lagala tashan madaxda sare ee Galmudug,isla markaana uu sheegay in mar walba ay difaaci doonaan Sharciga iyo danaha Shacabka.

Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka uu soo saaray madaxweyne Xaaf.