Saciid Deni “Puntland qeyb kama aheyn xeerkii Batroolka ee laga ansixiyay Aqalka Sare”

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo xalay ka hadlayay Munaasabadda sanad-guurada koowaad ee ka soo wareegatay markii xilka loo doortay ayaa si cad uga soo horjeestay Sharciga Batroolka ee maalin ka hor uu ansixiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan laga sii aamusi karin qaladaad socda, isla markaana dhowaan ay warqad rasmi ah ka soo saari doonaan.

“Waxaan si cad ah u sheegeynaa in aan qeyb ka aheyn xeerkii Batroolka ee uu ansixiyay Aqalka Sare, horayna Aqalka Hoose u soo ansixiyay, waxaa ku ammaanayaa Senatarada reer Puntland ee isaga baxay shirkaas, markii ay arkeen in la baal maray habraaca lagu ansixinayay xeerkaas”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in wadatasho dhab ah ah laga galo sharciyada masiiriga ah ee dastuurka dhigayo, isagoo xusay in shirkii bishii May ka dhacay Garowe ee ay yeesheen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada waxyaabaha uu ku burburay ay qeyb ka aheyd wada tashi la’aanta sharciyada Baarlamaanka ansixinayo.

Munaasabad xalay ka dhacday magaalada Garowe ayaa lagu soo bandhigay muuqaal ka hadlayay waxqabadka Madaxweyne Deni mudadii sanadka aheyd ee uu xilka hayay, waxaana Madaxweynaha oo hadlay uu sheegay in wax badan u qabsoomeen.