Sheekadii Xiisaha laheyd Libin Jaceyl (Qeybtii 111aad)

Qadar maalin weyn ayay u aheyd markiiba qol ay ku kulansanaayeen walaahiis ayaa uu u gudbay waxa uuna ku yiri

Qadar:

Ma ogtihiin manta in ay fursad jirto oo ay maalin weyn ii tahay oo waliba cid kasta waxa uu dalabato aan u sameynayo haye qof walba ha hadlo muxuu dalbanaa

Fartuun:

Aboowe dalabka ka hor bal noo sheeg maalintaan weyn waxa ay kugu beegan tahay

Farxiya:

Manta waaba buubi rabtaayee Ra’iisul wasaaraheyga maxaa soo kordhay bal noo sheeg

Qadar:

Wax kale maaha aniga mar dhow aabe ayaa noqonayaa

Mar kaliya ayaa ay Fartuun iyo Farxiya wada qeyliyeen oo si farxad leh isugu dhageen iyada oo qof kasta oronayey anigana eedo Ayaan noqonaa Qadar oo dhinaciisa qeylada kaga jiray ayaa ku yiri

Qadar:

Haye eedayaasha idinka Ayaan idiin sugayaa maxaa la dalbanayaa

Fartuun:

Ma aqaan waxa ay Farxiya dalaban doonto laakiin aniga Laptop Ayaan rabaa maxaa yeelay casharo diini Ayaan kala socon lahaa internetka

Qadar:

Waaw sow aniga ma joogi waa diyaar haye Farxiya dalbo adigana maxaad jeceshahay

Farxiya:

Aboowe aniga sidii caadada aheyd hadba telefoonka ugu dambeeya Ayaan dalbanayaa waxaana filayaa in aadan iga maanici doonin

Qadar:

Manta wax diidmo la yiraahdo ma jirto wax walba waa ok haye C/Qani maxaad la aamusan tahay wax dalbo

C/Qani:

Aboowe aniga adiga Ayaan ku sugaayey in aad hadalka soo idleyso ee dalabkayga ka hor waxaan rabaa in aad walaashay ii geysa si aan ugu hambalyeeyo

Qadar iyo Cabdiqani sidii ayay isku soo raaceen oo ay ku yimaadeen qolkii ay Samiira jiiftay Qadar ayaa ku hormaray oo u sheegay in C/Qani uu rabo inuu salaamo Samiira markiiba inuu soo galo ayay u sheegtay C/qani markii uu soo galaya ayuu ku yiri

C/Qani:

Ii waran walaashay side dareemeysaa xaaladaada ka waran

Samiira:

Maasha Allah Aboowe aad Ayaan u fiican nahay

C/Qani:

Waa kuu hambalyeynayaa waana ku faraxsan nahay in aad Hooyo Noqoto waxaana kuu rajeynayaa Caafimaad taam ah inuu rabbiga ku siiyo

Samiira:

Aamiin walaalkay

C/Qani:

Samiira abaayo ma ogtahay in wiilasha reer Warsame Cali ay yihiin aniga iyo C/qadar oo kaliya adigana aad tahay gabadhii Saddex naga dhigi laheyd oo aan ka filayo in Cabdi kale oo na sadexeeya aad keeni doontid

Samiira oo hadalkiisa aad ugu qiirootay ayaa tiri

Samiira:

Inshah allah Aboowe mid qeyr qabe oo farxad nagu kordhiyo illaahey ha nagu galado

C/Qani:

Aamiin abaayo inshah allah adigana caafimaad sidoo kale qolalka hoose qolka ugu weyn uguna hawada badan Ayaan deganahay adiga jaranjaradaan kuuma wanaagsana aniga qolkayga waa kuu diyaar mar kasta oo waxaan diyaar u \ahay in aan kaaga baxo

Samiira:

Mahadsanid Aboowe

Sidii ayaana uu ku baxay C/Qani waxaana isku soo haray Samiira iyo Qadar waxa ay ku tiri

Samiira:

Maasha Allah walaahi C/Qani caaqil waaye bal ka waran isaga oo yar ayaa uu intaas gartay waan ogaa in qofka ugu caaqilsan reerka inuu yahay

Qadar:

Walaahi waad iga maseyrineysaa hadda aniga sow caaqil maahi ninkaan dhan oo weyn oo wiilkaaga aabahaa ah

Samiira inta ay qososhay ayay ku tiri

Samiira:

Wiilkayga adeerkiis haddaan amaano miyaad ka maseyreysaa Qadar haye mid aan ku weydiiyo markii aad dadiisa oo kale aad aheyd illaah Ayaan kugu dhaarshee intaan ma garan kartay

Qadar:

Weli waad I bahdileysaa macaanteydiyee

Samiira:

Qadarow aan runt aka hadalno C/Qani waa wiil degan oo hadalkana dhihi og maxaad kale oo aad ii sheegeysaa

Qadar:

Waan kugu raacay hadda caafimaadkaaga ka waran

Samiira:

Aad Ayaan u fiican nahay

Qadar:

Hooyo Farxiya ma u sheegtay qeyrka nagu soo kordhay

Samiira:

Sidii aan ugu sheegi lahaa Ayaan ka fikirayaa

Qadar:

Side

Samiira:

Ma ogtahay dhibkii aan ka maray in aan adiga kuu sheego xataa waa xishoonayaa macaane ee Hooyo ha u sheegto

Qadar:

Haye sidaad jeceshay