Akhriso: Mowqifka Puntland ee Hindise sharciyeedka Batroolka

Maamulka Puntland ayaa gebi ahaanba diiday sharciga Batroolka Soomaaliya oo ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, kaddib qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in sharciga Batroolka uu ka hor-imaanayo dastuurka dalka iyo heshiisyada soo socda

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in sharciga la ansixiyay ee Batroolka uu hoos u dhigayo awoodda siyaasadeed, dhaqaale iyo mid maamul ee dowlad goboleedka Puntland.

Haddaba qoraalka ka soo baxay Puntland halkan hoose ka akhriso:-