Guddiga Farsamada oo soo saaray Liiska Xildhibaannada Galmudug (Akhriso Magacyada)

Guddiga Farsamada ee Maamul dhisidda Galmudug ayaa maanta soo saaray Liiska illaa 83 Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug oo ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka, iyadoo shaxda Liiskan ay ku qoran tahay saami qeybsiga Beelaha iyo sida ay u kala heleen kuraasta.

Illaa Lix kursi ayaa ka harsan Liiska la soo bandhigay ee 83 Xildhibaan ku jiraan, sida muuqata kuraastaas waa kuwo la isku haayo oo is qabqabsi uu ka taagan yahay cida la siinayo.

Liiska la soo bandhigay ayaa waxaa ku jira 20-kii kursi ee ay soo xusheen Ahlusuna, kuwaasoo la aqbalay todobaadkii hore.

Guddiga ayaa sheegay in xubnaha ka dhiman 89-ka Xildhibaan lagu soo dhameystir doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Halkan hoose ka akhriso Liiska Xildhibaanada, Magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan:-