Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Asmara

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka degay magaalada Asmara, halkaasoo uu garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah Agaasimaha Madaxtooyada Nuur Fursade, Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Amb. Cali Saciid iyo Wakiilka gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Geeska Afrika, Gacanka Cadan iyo Badda Cas Balal Cusmaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la leh dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka labada dal, iskaashiga iyo arrimaha amniga.

Sidoo kale waxaa kulankooda looga hadli doonaa arrimaha Gobolka Geeska afrika iyo isbaheysiga cusub ee dhowaan uu Sacuudiga aas aasay ee dalalka Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir soke oo aan la fahamsameyn la leh Kaligii-taliyaha reer Eritrea Isaias Afwerki, waxaana dad badan ay shaki gelinayaan xiriirkaas waxa uu ku dhisan yahay.

Labada Madaxweyne ayaa horay u dhex maray heshiis amni ah, waxaana muddooyinkii u dambeeyay jiray ciidamo dowladda Soomaaliya u dirtay Eritrea si loogu soo tababaro, waxaana ciidankaas la sheegay in loogu tala galay doorashooyinka soo socda.