Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl (Qeybtii 115aad)

Curdano badan ayaa caashaqa hore ugu calaalay kuwaa u ooyay kuwaa ku farxay oo nolosha meel fiican ka gaaray kuwana samirka ayay dugaashadeen Falis ayaa ka mid aheyd kuwa samirka dugaashaday mana heyn sida ay badweynta caashaqa ugu dabalan laheyd waxayse nafteeda u sheegi jirtay in ay tani ay tahay Qadartii Alle oo aan la Karin

Waa xilli galab ah Falis waxa ay ku sugneyd xaafadeeda sida caadada ah waxa ay ku jirtay qolkeeda waxa ay gudaha guriga ka soo gaarayey cod ay si fiican u taqaanay waxaayana la aheyd dhagaheeda ileyn marnaba ma aysan sawiran Karin in Mursal uu daashkaan imaan doono

Codka soo garayo Falis waa codkii Mursal oo la hadlayo Aamow hadalkii ayaa badatay waana mida banaanka soo saartay Falis oo markii ay aragtay Mursal farxad durbadiiba laga dareemay oo ay la soo Booday

Falis:

Maasha Allah qofkaan ma mursal baa mise aniga ayaa mooday

Mursal:

Waa isagii ii waran Falisey

Falis:

Waa kuu fiican nahay hore u soo gal

Mursal:

Waqti badan ma haayo waxaan rabay in aan Maxamed yare arko

Falis:

Maxamed waa uu jiifaa balse waqti yar kadib waa uu soo kacayaa manta miyaad timid

Mursal:

Shalay Ayaan imid

Falis:

Hoteel miyaa ku soo degtay

Mursal

Maya gabar aan ganacsiga isla wadno Ayaan xaafadeeda ku soo degay

Falis oo aan warkaas jecleysan ayaa ku tiri

Falis:

Adiga oo shalay Xamar yimid in aad manta gelin dambe noo timaado ayaa niyadjab ah

Mursal:

Maya walaahi shalay xilli dambe Ayaan imid runtiina mashquulkana waa badnaa ganacsi ii gaar Ayaan la sameystay gabadha aan hadda kuu sheegaayey Shiinaha Ayaan ka sameeyey maxaa yeelay soomaalida inta badan Shiinaha marka ay ganacsi u yimaadaan aqoon daro ayaa wax badan kaga halaabo sidaas Ayaan halkaas ganacsi ugu sameeyey oo aan ugu talagalnay in ganacsadaha isaga oo Xamar joogo aan alaabta uu rabo u soo dhiibno

Falis:

Waa fikir fiican

Mursal:

Ii waran adiga maxaa iga kaa dambeeyey

Falis:

Walaahi wax walba waa sidoodii

Mursal:

Cadnaan ayaa ii sheegay inuu dareenkiisa kuu soo bandhigay oo aad diiday

Falis:

Wiilka xawaalada sow maahaa haa waa jirtaa

Mursal:

Maxaad ku diiday waa wiil fiican guurkiisa hore ayaa ka halaabay waana hubaa inuu ku xumeyn doonin

Falis oo dhiiragelintiisa u aragtay mid iyada iyo dareenkeeda niyadjab ku ah ayaa tiri

Falis:

Waxaan isu arkaa in aan ahay qof ka dhan in wanaaga la dareensiiyo micnaha waan isku kalsoon nahay sidoo kale caqli igu filan oo aan idaha kaga saari karo Ari cad waan leeyahay Mursalow

Mursal oo dareemay in ay ka xanaaqday hadalkiisa ayaa si uu arrinta meel kale u rogo ku yiri

Mursal:

Maxaa jira sidaan oo dhan miyuu wiilkayga hurdada ugu daahaa

Falis inta aysan jawaabin ayaa waxaa soo gashay Aamow oo Maxamed Yare wado waxa ayna ku tiri

Aamow:

Fiiri Mursal Yaan kuu keenay

Mursal oo aad ula yaabay wiilkiisa oo soconayo ayaa inta kor u qaaday ku yiri

Mursal:

Maasha Allah wiilkayga waad weynaatay walaahi Falisey ma ogeyn inuu soconayo

Falis:

Xilligii aan kuu sheegi lahaa adaaba lagu waayey meel aan kaala soo xariirna ma jirin

Mursal:

Maasha Allah wlaahi waan ku farxay Aabe Maxamed aabahaa Ayaan ahay

Mursal cabaar yar ayaa uu wiilkiisa la qaaday waxa uuna u sheegay inuu maalin u imaan doono oo uu waqti badan la qaadan doono Aamow ayaa ku tiri ka waran haddii aad beri nala qadeyso waana uu ka cudur daartay isaga oo qiil ka dhigtay inuu mashquul yahay sidii ayaana uu ku baxay Mursal waxaa isku soo haray Falis iyo Aamow waxaana hadalka furtay Aamow oo ku tiri

Aamow:

Falisey ma wax ayaa qaldan maxay tahay sababta uusan waqti noogu heyn ma is tiri waa uu naga baxsanaa ma adiga ayaa wax u sheegay

Falis:

Aniga waxba uma sheegin ee adiga maxaad qadada ugu yeertay

Aamow:

Waa ay wanaagsanaa laheyd inuu iga aqbalo waase uu igu diiday

Falis:

Ma aheyn in aad ugu yeerto

Aamow:

Laakiin waxaan is lahaa arrimaha isu soo dhawee

Falis:

I maqal Aamow waan ku fahmi karaa in aad wanaag uun ii wado laakiin mid Ayaan kuu sheegayaa waxba arrimaheyga ha kala hadlin Mursal hadda iyo mar kalaba mana donayo in aan dareenkayga la wadaago

Aamow:

Laakiin maxaa iska kaa badalay sowtu arinkeenu ahaa in aaad soo daadegto oo aad dareenkaaga u sheegato maxaa iska kaa badalay walaal aniga dhibkaaga runtii waa uu I dhibaa wanaagaaga iyo farxdaada ayaa ila weyn I aamin qof aad u jeclahay ayaa tahay

Falis:

Waan ku fahmi karaa laakiin marnaba ma doonayo in aan dareenkayga aan u sheegto isaga maxaa yeelay waa nin mar hore noloshiisa meeleeyey

Aamow:

Ma isaga ayaa sidaa ku yiri

Falis:

Hadalada qaar ayaan u baahneyn in afka laga sheego waa kuwa durbadiiba la dareemi karo haddii karaamo iyo sharaf aad ii heyso waxba ha u sheegin

Aamow:

Sidaad jeceshahay

Aamow oo aad ugu xumaaday sida rajadeeda ay u dhimatay murug ayay meel ay la fadhiisatay waxa ay ugu dambeyn isku qancisay in ay kala kashaato Sureer si arrinta loo daba qabto wallow ay ka cabsi qabtay hal adeega Falis oo ay ku ogeyd in wax kasta oo ay Maya tiraahdo aan dib loogala hadli Karin