Maxkamada Hargeysa oo ku xukuntay hal sano oo xarig ah tifaftiraha Horncable Tv

Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa ku xukuntay hal sano oo xarig ah iyo ganaax dhan dhan 3 milyan Somaliland shilings (270 euros). tifaftiraha taleefishinka Horn Cable Cabdiqaadir Saleymaan Caseyr oo ku magac dheer Codey.

Maxkamada ayaa waxa ay weriyaha ku eedeysay inuu faafiyay war been ah kaasoo ku saabsanaa xaalada garoonka diyaarada magaalada Hargeysa kadib markii ay ka cabatay diyaarad laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale tifaftire Codey ayay maxkamadu ku eedeysay wareysi uu la yeeshay taleefishinka Suldan Abubakar Elmi Wabar oo hoggaamiye ka ah jabhad loogaga dhowaaqay gobolka Awdal.

Ururka Saxafiyiinta FESOJ ayaa  soo saaray qoraal uu ku cambaareynayo xukunka maxkamada magaalada Hargeysa ay ku ridey weriye Codey.

Hore ayaa maamulka Somaliland waxaa uu xukun ku ridey weriye Coldoon oo ka mid ah weriyaasha ka howlgala Somaliland.