Taliye xigeenkii Nabadsugida Shabelaha hoose oo lagu diley Muqdisho

Taliye xigeenkii ciidamada nabadsugida gobolka Shabelaha Hoose Dhaayow Cusmaan Aadan ayaa goordhow lagu diley degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dilka taliye xigeenka nabadsugida ay ka dambeeyeen kooxo bastoolado ku hubeysan oo

Taliye xigeenka la diley ayaa la sheegay in uu goordhow yimid magaalada Muqdisho ayna baxsadeen dadkii ka dambeeyay dilka taliye xigeenka.

Ciidanka Amaanka ayaa goobta dilku ka dhacay gaaray waxayna bilaabeen baaritaan.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hodon iyo weliba dambi baarista.

Dilka taliye xigeenkii nabad sugida gobolka Sh/hoose ayaa noqonaya dilkii ugu horeeyay ee koox bastoolado ku hubeysan ay ku dilaan magaalada Muqdisho sanadkan cusub 2020.