Xaflada dhaarinta xildhibaanada cusub Baarlamaanka Galmudug oo ka socota Dhuusamareeb

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xaflad lagu dhaarinayo xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug ay ka socoto Dhuusamareeb.

Xidhibaanadan oo shalay si rasmi ah ay ugu dhowaaqeen guddiga farsamada dhismaha maamulka Galmudug ayaa gaaraya 83 xildhibaan.

Inta badan xildhibaanadan oo ah kuwo cusub ayaa waxaa si weyn ugaga soo horjeestey madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf isagoo sheegay inay yihiin xildhibaano been abuur ah.

Xildhibaanada la bedelay ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.