C/raxmaan C/shakuur oo ku eedeeyay dowlada inay isku dayday inay joojiso munaasabad uu kula hadli lahaa Arday

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay dowlada federalka soomaaliya ay isku dayday inay joojiso qudbad uu u jeedin lahaa ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Malaysiya.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in Madaxtooyada Soomaaliya ay ku amartay safaarada Soomaaliya ee Malaysiya in ay booliska wadankaas joojiyaan kulankaas.

“Dowladda Soomaaliya si ay u joojiso khudbad aan u jeedin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia ayaa safaaradda Soomaaliya ee Malaysia oo ka amar qaadnaysa Villa Somalia, waxay Booliska dalka Malaysia ku wargelisay in aan ahay danbiile baaritaan dalkiisa uga socda, Islaamka u gefey, fatwana la iga soo saaray, la iina diiday in aan dalal badan oo Islaam ah hadal jeedin ka sameeyo.”ayuu ku yiri qoraalkiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
SIyaasiga ayaa si weyn u dhaliilay hab dhaqanka dowlada isagoo xusay in ay tahay mid fool xun in dowladu ay awoodeedu ku takrifasho.

“Waa sida ugu foolxun oo awood dawladeed loogu takrifalo, iyo sida ugu liidata ee dan qaran dal kale looga jirto. Waxaa mahadda leh daddaalka ardayda Soomaaliyeed iyo garashada Booliska Malaysia oo suuragaliyey in hawhsii socoto, shirqool kii iyo isku daygii naflacaariga ahaa ee kooxda Vila Somalia uu fashilmo.”ayuu ku sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka;