Magacyada xildhibaano cusub ee baarlamaanka Galmudug oo la shaaciyay

Guddiga farsamada maamul dhisida dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan saddex xildhibaan oo ka mid noqonaya baarlamaanka 2aad ee Galmudug.

Saddexdan xildhibaan ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cismaan oo hore guddiga labo jeer dib u celiyay sida ay sheegeen qaar ka mid ah odayaasha saxiixa ee beesha uu ka soo jeedo.

Xidhibaankan oo ka soo jeeda beesha Wacaysle ayaa la tuhmayaa inuu isu soo sharaxayo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka 2aad ee Galmudug.

Guddiga ayaa sidoo kale Maanta soo gudbiyey boosaskii ka banaanaa Beelaha Sacad iyo Saleebaan oo ay kala matalayaan Maxamuud Diini Xasan iyo Cabdirisaaq Cali Axmed.
Shaacinta saddexdan xildhibaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta ay kulankii ugu horeeyay ay yeesheen xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee Galmudug kuwaasoo si kumeelgaar ah u doortay guddoomiye.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Guddiga Doorashada Galmudug;