Sawirro: Musharaxa Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Odawaa oo gaaray Dhuusamareeb

Musharaxa Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaasoo si diirran loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Musharax Madaxweyne C/raxmaan Odawaa ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Howlwadeenada Xafiiskiisa Ololaha.

Musharax Odawaa oo ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha ayaa tagitaankiisa maanta ee Dhuusamareeb ku soo aaday maalin kaddib markii Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Galmudug ay yeesheen kulankooda u horeeyay oo Guddoomiye KMG u doorteen ninka ugu da’da weyn.

Sidoo kale Tagitaanka Musharax Odawaa ee Dhuusamareeb ayaa ka dhigan in si rasmi u bilowday ololaha iyo loolanka loogu jiro Doorashada xilka Madaxweynaha Galmudug oo dhowaan ka dhici doonta Dhuusamareeb.